Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo ka qeybgalay calan-saarka maalinta xorriyadda dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
357352529_682916407212835_13491320159493

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-galay munaasabad ballaaran oo xalay ka dhacday Villa Soomaaliya, taas oo lagu xusayay 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa u dhacday si waafaqsan habmaamuuska habeenkii xornimada iyo midnimada ee 1-da Luulyo 1960-kii.

Sidoo kale waxaa goobjoog ahaa ra’iisul wasaare ku xigeenka, Saalax Axmed Jaamac, Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dhexe.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciuidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku sugnaa munaasabadda, waxaana kadib la saaray calanka Jamhuuriyadda abaaro 12-kii saq-dhexe oo ku beegan 63 sano ka hor isla waqtigii calanka la suray magaalada Muqdisho, 1-dii Bishii Luuliyo 1960-kii.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda Calan-saarka sannad guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, si waafaqsan habmaamuuska habeenkii xornimada iyo midnimada ee 1-da Luulyo 1960-kii” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Villa Soomaaliya.

Maanta ayaa sidoo kale la filayaa in dibaaldagyo lagu xusayo Kowda Luulyo lagu qabto caasimada, ayada oo shalay xukuumadda ay ku dhowaaqday in uu jiro isku soo bax.

Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa dadka reer Muqdisho ugu yeeray in ay isugu yimaadaan garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho.

Fiqi ayaa sheegay in munaasabad weyn ay maanta ka dhacayso halkaas, isla markaana la go’aamiyey in halkaas la isugu geeyo dadka isugu soo baxaya dabaal-degga.

Sidoo kale Fiqi wuxuu sheegay in berri uu Madaxweyne Xasan Sheekh dadka kula hadli doono Stadium Muqdisho, markii la isugu yimaado munaasabadda 1-da Luuliyo.

Si kastaba, sanad kasta Soomaaliya waxaa lagu qabtaa munaasabad weyn oo lagu xuso 1-da Luuliyo oo ku asteysay 63-sano ka hor markii ay xornimada qaateen gobollada koonfureed ee Soomaaliya, sidoo kalena ay midoobeen waqooyi iyo koonfur.

356634816_682916480546161_75870788584584 357117857_682916533879489_15250414139308 357352529_682916407212835_13491320159493 357377785_682916453879497_54357780622594 357504648_682916490546160_97765762079697 357682573_682916520546157_37652332420302 357685682_682916567212819_31428404499121 Calan.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Sawirro: Xasan Sheekh oo ka qeybgalay calan-saarka maalinta xorriyadda dalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this