Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidanka Haramcad oo burburiyay maxkamad ay Al-Shabaab ku laheyd…

Recommended Posts

Deeq A.   
357115022_722548323245110_86948960394697

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ay saaka ciidamada dowladda ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-galkaan oo ay sameeyeen ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa ka dhacay deegaano hoostaga degmadaasi, kuwaasi oo lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka Haramcad ayaa howl-galkaan waxay ku burburiyeen maxkamad beenaadkii kooxda Al-Shabaab ay ku laheyd deegaanadaasi, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“Howl-galkaan ayaa ku dhacay si nabad ah, kadib kolkii ay halkaasi isaga carareen kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ee sida dhuumaaleysiga ah u jooga Shabeellaha Hoose,” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay dowladda.

Ciidamada dowladda ayaa sidan oo kale hore u burburiyay maxkamado ay kooxda ku laheyd duleedka Muqdisho iyo deegaano kale, kuwaasi oo ay ugu yeeri jirtay bulshada caasimada.

Howl-galkan ayaa imanaya, ayada oo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda muddo qaadin wax howl-gal ah oo muuqda oo kooxda Al-Shabaab ka dhan ah.

Si kastaba, waxaa bilihii dhowaa dowladda federaalka ay sheegeysay inuu billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka, inkasta oo aanay weli hadalkaas ficil u beddelin.

347246256_722548226578453_50756299072394

357110677_722548246578451_88941720365723

357082130_722548463245096_17205947688257

357115022_722548323245110_86948960394697

347245518_722548453245097_27689677628931

357356771_722548513245091_82623142197744

The post Sawirro: Ciidanka Haramcad oo burburiyay maxkamad ay Al-Shabaab ku laheyd… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this