Sign in to follow this  
Deeq A.

Gubista Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah oo caro xooggan ka dhalisay dalalka Islaamka

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-0a00-0242-a896-08db788df542_cx0

Ciraaq, Iiraan, Sacuudi Carabiya iyo dalalka kale ee Bariga Dhexe ayaa maanta cambaareeyey falkii uu nin Ciraaqi oo ku nool Sweden ku gubay Kitaabka Qur’aanka, ayaga oo ka digay in ficillada noocan ah ay hurinayaan dareenka Muslimiinta caalamka.

Iyada oo ay joogaan boolis tiro badan, ayaa Salwan Momika oo ah 37 jir usoo qaxay Sweden dhowr sano kahor, wuxuu Arbacadii ku istaagay Kitaabka Qur’aanka kahor inta aanu bogag ka mid ah dab ku hor qabadsiin Masjidka ugu weyn magaalada Stockholm.

Booliska caasimadda Sweden ayaa Salwan siiyey fasax uu dibadbax ku dhigo, si waafaqsan waxa loogu yeero xoriyadda hadalka, balse waxay goor dambe sheegeen in ay fureen baaritaan ka dhan ah ninkaas oo la xiriira “kicin”.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Morocco ayaa sidoo kale Arbacadii shalay u yeertay safiirka safaaradda Sweden ee Rabat, waxaana muujisay sida daran ee ay boqortooyada Marooko u canbaareyneyso weerarkan una diidan tahay falkaasi aan la aqbali karin.

Ciraaq ayaa mas’uuliyiinta Sweden ku cambaareysay go’aanka ay xagjir ku siiyeen fasax uu ku gubo qur’aanka“Dhacdooyinkan waxay kicinayaan dareenka Muslimiinta caalamka,” ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Ciraaq.

Masar, oo ah dalka ugu dadka badan Carabta, ayaa ku tilmaamtay gubista Qur’aanka Kariimka ah fal fool-xun oo ka caraysiinaya dareenka Muslimiinta.

Ururka Jaamacadda Carabta ee fadhigiisu yahay Qaahira ayaa isna ku tilmaamay gubista Qur’aanka Kariimka ah weerar lagu soo qaaday xuddunta diinteena Islaamka.

Gubitaanka Qur’aanka ayaa waxaa sidoo kale cambaareeyey lixda dal ee Golaha Iskaashiga Khaliijka.

PUNTLAND POST

The post Gubista Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah oo caro xooggan ka dhalisay dalalka Islaamka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this