Sign in to follow this  
Deeq A.

Mali oo dalbatay in deg deg dalkeeda looga saaro Ciidamada Qaramada Midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-c0a8-0242-72e8-08db6f4ba544_w40

Waxaa xarunta Qaramada Midoobay ka socda dood la xiriirta in la sameeyo waqti ciidamada Qaramada Midoobay ee nabad ilaalinta ah ay kaga baxaan dalka Mali.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mali Abdoulaye Diop ayaa canbaareeyey waxa uu ugu yeeray guuldarrada howlgalka nabad-iaalinta Qaramada Midoobay, isaga oo fadhi ay lahaayeen Golaha Ammaanka si lama filaan ah uga jeediyay dalab ah in ciidamadaasi ay si degdeg ah uga baxaan Mali.

Howlgalka Nabad Ilaalinta ee loo yaqaan Minusma oo ah kii ugu qaalisanaa ee QM oo ay sanadkii ku baxaysay lacag dhan $1.2 billion oo dollar, ayaa hadda u muuqda in uu meesha ka baxayo iyadoo Mali oo la tacaaleysa kooxaha Jihaadiyiinta ahna ay wajihi doonto xaalad aan la ogeyn waqtigan.

Horraantii June ayuu Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ka hadlay sii joogista ciidanka ee Mali, iyadoo ay guud ahaan gobolka sii kordhayaan cabsida ah inay sii kordhayaan khataraha ka imanaya kooxaha xagjirka ah haddii ay ciidanka QM baxaan.

PUNTLAND POST

The post Mali oo dalbatay in deg deg dalkeeda looga saaro Ciidamada Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this