Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaare intee le’eg ayey kooxda Wagner gaadhsiisay Ruushka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Khasaare intee le’eg ayey kooxda Wagner gaadhsiisay Ruushka?

Diyaarad Ruushka

Madaxweyne Putin ayaa sheegay in duuliyeyaal ciidamada Ruushka ka tirsan lagu dilay dagaalkii ay la galeen ciidamada Wagner dhamaadkii todobaadkii tagey. Waxaa kale oo ay u muuqataa in dhowr diyaaradood la burburiyay.

Qaybta xaqiijinta ee BBC-da ayaa isku duba ridey waxa laga og yahay khasaaraha.

Maxaa laga yiri khasaaraha milatariga Ruushka?

Madaxweyne Putin waxa uu bayaan uu soo saaray 26-kii June ku tilmaamay “duuliyayaasha geesiyada tagey”. Si kastaba ha ahaatee, ma uusan si faah faahsan uga hadlin tirada dadka ku dhintay ama ama diyaaradaha lagasoo riday ciidankiisa.

Yevgeny Prigozhin, oo ah madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner, ayaa sheegay in ciidamadoodu ay duqeeyeen diyaarado Ruush ah oo “tuuray bambooyin isla markaana qaadayay weeraro gantaallo ah” iyagoo isku dayaya inay joojiyaan u ruqaansiga Moscow.

Waxa uu ka dhawaajiyay in uu ka xun yahay in ay soo rideen diyaaradaha Ruushka.

Maamulka Ukraine ayaa ku andacoonaya in ciidamada Wagner ay burburiyeen lix diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah oo Ruushku leeyahay iyo diyaaradkale intii ay socdeen kacdoonnadii Sabtida.

Qaar ka mid ah kanaalada Telegram, oo ah shabakad bulsho oo caan ku ah qorayaasha militariga, ayaa sameeyay sheegashooyin la mid ah khasaaraha ay ukraine sheegtay.

Maxay yihiin khasaarayaasha la hubo??

Qaybta BBC-da ee xaqiijinta ayaa eegtay daraasiin muuqaallo ah oo la duubay intii uu socday dagaalka u dhexeeya ciidamada Wagner iyo kuwa Ruushka.

Waxaa la xaqiijiyay in diyaarad militari ay ku soo dhacday meel u dhow magaalada Kantemirovka.

Arrintan ayaa si weyn loogu baahiyay kanaalada baraha bulshada ee kala duwan sida Ilyushin Il-22 oo sheegay diyaarad qiimo leh oo loogu talagalay ciidamada qalabka sida ee Ruushka inay dhacday.

Sawirada burburka diyaaradda ayaa lagu faafiyay baraha bulshada, sida burburka ka muuqatana, waxa ay u egtahay in ay tahay nooca la cusboonaysiiyey ee diyaaradda Il-22M. Erayada “Ciidanka Cirka ee Ruushka” ayaa ka muuqda dhinaca diyaaradda.

Burbur diyaaradeed

Meeshaan waa xarun talis oo hawada laga maamulo, oo ciidamada laga maamuli karo xilliga dagaalka. Waxa ay u adeegtaa in ay isku xidho xarumaha taliska ee ka fog jiidda hore iyo ciidamada dhulka jooga.

BBC-da Ruushka ayaa sheegtay in sida lagu sheegay warbixinnada warbaahinta bulshada, in wadar ahaan lix diyaaradaha qumaatioga u kaca ah sidoo kale la soo riday, oo ay ku jiraan laba xabbo oo nooca oo weerarka ah, saddex ah nooca loo adeegsado dagaalka elektaroonigga ah iyo hal kuwa xamuul qaada ah.

BBC Verify ayaa xaqiijisay hal muuqaal oo muujinaya diyaarad helikobter ah oo Ruushku leeyahay oo ku dhacday meel u dhow Pavlosk.

Sawirrada kale ee burburka ayaa si xooggan u muujinaya in tani ay ahayd helikobtarta Mi-8, sida laga garan karo qaabeynta baalasha.

Kuwaas waxaa lagu qalabeeyay hababka dagaal ee elektiroonigga ah ee ugu dambeeyay oo loogu talagalay in lagula dagaallamo raadaarka dhulka iyo hawada, nidaamyada difaaca hawada iyo hubka lidka diyaaradaha.

Intaa waxaa dheer, helikobtarrada noocan oo kale ah waxay qabtaan xog-ururin sireed.

Sawirro kale uu burbur ayaa sidoo kale ka soo muuqday baraha bulshada, waxaana markan la sheegay in ay muujinayaan diyaaradda qumaatiga u kacda ee loo yaqaan KA-52, taas oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee weerarrada oo ay adeegsadaan ciidamada Ruushku.

Ma aanan awoodin inaan xaqiijino halka ay ka yimaadeen sawiradan, laakiin qayb ka mid ah burburka ayaa muujinaya jaantuska 72, oo ah calaamad lambar ah oo lala xiriiranayo diyaaradda KA-52.

Waxaan sidoo kale xaqiijinnay tiro muuqaal ah oo muujinaya diyaaradda KA-52 oo ka shaqaynaysay aagga Voronezh intii lagu jiray kacdoonkii Sabtida.

Immisa khasaare ayaa jira?

Kremlin-ka ma aysan xaqiijin tirada ciidamada ee lagu dilay fallaagogii kooxda Wagner.

Mr Prigozhin waxa uu sheegay in aanay jirin wax dagaalyahan ah oo kooxdiisa Wagner ka dhintay, balse waxa uu yiri “dhawr qof ayaa ku dhaawacma

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this