Sign in to follow this  
General Duke

June 16th , Day of the Child marked in Mogadishu..

Recommended Posts

16-KA JUUN: Maalinta Caruurta Afrika oo maanta Muqdisho laga xusay

 

caruur.jpg

Jimco, June 16, 2006(HOL): Waxaa maanta lagu qabtay Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha xaflad lagu maamuusayay maalinta Caruurta Afrika oo ku beegan 16-ka June, iyadoo xuska maalintan uu ku soo beegmay iyadoo Caruurta Soomaaliyeed aysan heysan xuquuqdoodii aas aasiga ahayd ee ay lahaayeen, tiiyoo weliba ay u sii dheer tahay iyadoo loo geysto xadgudubyo naxariis daran.

 

Munaasabaddaas waxaa hadal ka jeedisay Marwo Maryan Xuseen Maxamed Awreeye oo ka tirsan Guddoonka Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha. Maryan waxay sheegtay in ay aad uga xun tahay xaaladda ay maanta ku sugan yihiin caruurta Soomaaliyeed marka loo eego caruurta kale ee Adduunka ama Qaaradda Afrika.

 

“Caruurta Soomaaliyeed muddo 20 sano ah tacadi ayaa lagu soo hayay, welina waa lagu hayaa, marka aan sidaasi leeyahay waxaan uga dan leeyahay Caruurta Somaliland waxay dhibaatada ku bilaabatay sanadkii 1988-kii, xiligaasoo ay ka qaxayeen diyaarado iyo Taangiyo duqeynayayâ€ayay tiri Maryan Awreeye oo sheegtay in ay wax aad looga murugoodo tahay in aaney jirin cid caruurta Soomaaliyeed u tureysa oo isku howleysa in laga daayo dhibaatada iyo mustaqbal xumada lagu hayo.

 

“Caruurta Soomaaliyeed waxay waayeen xuquuqdoodii, intaas waxaa u sii dheer qax iyo barakicin. Qaar ka mid ah caruurtaas waxaa hortooda lagu kufsaday oo lagu fara xumeeyay waalidkoodâ€ayay tiri Maryan Awreeye oo markii ay intaas tiri ay indhaheeda soo dhaaftay ilin.

 

Maryan Awreeye waxay ka codsaday Beesha Caalamka in ay u soo gurmato Caruurta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ay waxyeelada ka soo gaartay dagaalladii dhacay kuwaasoo isugu jira kuwo waayay xubno ka mid ah jirkooda iyo kuwo kale oo silic ku nool, iyadoo dhinaca kalena Allaah uga bariday caruurtaas ku dhibaatowday dagaallada in uu caafimaad siiyo.

 

Qabashadii Xafladda lagu maamuusayay Maalinta Caruurta Afrika ee 16-ka June waxaa iska kaashaday Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha iyo Hay'adda National Endowment for Democracy (NED) oo fadhigeedu yahay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, waxaana xafladdaas caruurtii ka qeybgashay oo aad u tiro badneyd lagu maamuusay waxyaabo ay ku farxeen.

 

Filsan Ismaaciil Jimcaale ayaa madashadii xafladda waxay ka aqrisay qudbad loogu talagalay munaasabadda, waxayna sheegtay in maanta dalalka Qaaradda Afrika ay ka dhacayaan xaflado lagu weyneynayo maalinta Caruurta Afrika oo uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay heshiis ahaan u ansixiyay 20-kii November 1989-kii, iyadoo heshiiskaasina uu ka kooban yahay 54 qodob oo mid kasta oo ka mid ah ay ku caddahay xuquuq damaanad qaad buuxa siineysa Caruurta Afrika.

 

 

“Iyadoo ay Caruurtu leeyihiin xuquuqdaas ayaa hadana caruurta Soomaaliyeed loo geystaa xadgudubyo argagax leh oo ka soo horjeeda Xuquuqda ay Caruurta leeyihiin ee ay Shareecada Islaamka siisay iyo weliba xuquuqaha ay u ogol yihiin Dhaqanka Soomaalida iyo Xuquuqda Aadamigaâ€ayay tiri Filsan oo ka qudbadeyneysay munaasabadda.

 

“Caruurta Soomaaliyeed waxaa ka maqan oo aysan helin xaqii ay u lahaayeen in ay si nabadgelyo ah u noolaadaan, qaar ka mid ah waa la dilaa, la dhaawacaa, la af-duubaa, la jir-dilaa, lana bara-kiciyaa, iyadoo mararka qaarkoodna askar ahaan loogu isticmaalo dagaallada sokeeye ee mudada dheer dalka ka socday, waxaa intaas ka sii daran iyadoo gudniin fircooni ah lagu sameeyo inta badan caruurteena, taasi oo ah xadgudub weynâ€ayay mar kale tiri Filsan Ismaaciil Jimcaale.

 

Waxay sheegtay Filsan in Caruurta Soomaaliyeed uu ka maqan yahay xaqii ay u lahaayeen in ay helaan Waxbarasho lacag la'aan ah, Hoy,Cunto nafaqeysan, biyo nadiif ah iyo daryeel caafimaad, “waxaa jira caruur dariiqyada yaala oo isticmaala muqaadaraad, kuwaasi oo aysan jirin cid u gargaareysa oo u maqan, waxaan shaki ku jirin in ay caruurta Soomaaliyeed la nool yihiin xadgudubyo baahsan oo loo geysto, kuwaasi oo saameyn weyn ku yeeshay dhaqankeena, horumarkeena jir ahaaneed, kan maskaxeed iyo kan bulshadeed intabaâ€ayay intaas ku dartay Filsan Ismaaciil Jimcaale oo iyadoo meteleysay codka Caruurta Soomaaliyeed ka codsatay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, dhamaan Shacabka iyo Hay'adaha Samafalka caalamiga ah in ay xoogga saaraan kuna dadaalaan sidii loo joojin lahaa xadgudubyada loo geysto Caruurta Soomaaliyeed, taasi bedelkeedna ay ku dadaalaan sidii ay Caruurta u heli lahaayeen fursad u saamaxda in ay ku noolaadaan nabad ay ku hiigsadaan mustaqbalka horumar iyo caddaalad lagu dhowro Xuquuqda Aadamiga.

 

Ugu Dambeyntiina Filsan Ismaaciil Jimcaale waxay si weyn ugu mahadcelisay Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha oo iyadu isku howshay sidii loo maamuusi lahaa maalinta Caruurta Afrika, waxayna hoosta ka xariiqday inay fursadda loo saamaxay Caruurta Soomaaliyeed ay u horseedeyso in ay bartaan xuquuqda ay leeyihiin, ogaadaana fursadaha ay heystaan ee ay ku difaaci karaan Xuquuqda aasaasiga ah ee ay leeyihiin.

 

Halkan ka daawo Sawirro kale oo Xuska 16-ka Juun ku saabsan

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this