Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo si adag uga hadlay musuq maasuqa lagu sameeyo hantida umadda

Recommended Posts

Deeq A.   
xsss.jpeg?resize=430%2C230&ssl=1

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh ayaa hadal uu xalay jeediyay qayb kamid ah  kaga hadlay musuq maasuqa lagu sameeyo hantida umadda.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sheegay in aysan dowladda uu hoggaamiyo marnaba aqbali doonin in la musuq maasuqo hantida umadda ee ay mas’uul ka tahay dowladda.

“Dowladda Soomaaliya ma ogolaanayso in waxa yarka ah ee gabadha shaaha jidka ku gadda canshuurta laga qaado in nin inta jeebka ku shubto la baxsado” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

” Xatooyada xoolaha dadweynaha waa xaaraan meel kasta ayay ku qoran tahay diinta Islaamka ee aayadaha Qur’aanka munasalka ah iyo axaadiista shariifka ah” ayuu sii raaciyay.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa dhinaca kale dadka Soonaaliyeed ka codsaday in ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay si loo hirgeliyo adeegyada dowliga ah.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Shiikh oo si adag uga hadlay musuq maasuqa lagu sameeyo hantida umadda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this