Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo xalliyay xiisad ka taagnayd degaanka Balli Busle

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1687849323473.jpg?resize=720%2C48

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa ku guulaystay in la xalliyo xiisad la xiriirtay ceelal qodis oo mudda asbuuc ah ka taagnayd degaanka Balli Busle ee Gobolka Mudug.

Mas’uuliyiinta Gobolka Mudug ee Puntland oo kaashanaya odayaasha labada dhinac ee ku muransanaa ceelasha ayaa ku guulaystay in la kala qaado maleeshiyaadkii is hor fadhiyay.

Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in la kala qaaday labadii maleeshiya-beeleed ee isku hor fadhiyay degaanka Balli Busle islamarkaana la xalliyay xiisaddii taagnayd.

“Gudoomiyaha ayaa ku guulaystay in lakala qaado Melayshiyo beeleedyo asbuuc halkaa isku horfadhiyey iyadoona la xaliyey dhamaan waxii la isku haystay dibna looga balamay in fadhi labaad laga yeesho” ayaa lagu yiri qoraalkaas.

PUNTLAND POST

The post Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo xalliyay xiisad ka taagnayd degaanka Balli Busle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this