Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxa Wagner oo soo hadlay kadib duulaankii Moscow, shaaciyeyna qorshihiisa

Recommended Posts

Deeq A.   
Yevgeny-Prigozhin.jpg?fit=2000%2C1125&ss

Minsk (Caasimada Online) – Madaxa kooxda Wagner, Yevgeny Prigozhin ayaa Isniintii difaacay kacdoonkii uu ka laabtay ee ka dhanka ahaa xukuumadda Moscow ee Sabtidii uu qaaday.

Prigozhin ayaa tallaabadaas ku macneeyey mid uu ku badbaadinayey kooxdiisa calooshood u shaqeystayaasha ah, islamarkaana bannaanka kusoo dhigayey fashilka hoggaanka militari ee Ruushka, balse aanu ahayn loolan ka dhan ahaa Kremlin-ka.

Dagaal-oogahan fallaagada noqday, oo soo duubay codkii ugu horreeyey oo maqal ah tan iyo markii uu baajiyey duulaankii ciidankiisa ee ku wajahnaa Moscow, ayaa farriintiisa la baahiyey ayada oo Moscow ay isku dayeyso inay shacabka u muujiso in xaaladda ay caadi kusoo noqotay.

Prigozhin, oo aan shaacin halka uu kasoo hadlayey, ayaa codka ku sheegay in kacdoonkiisa looga dan lahaa in looga hortago in la burburiyo ciidamadiisa Wagner.

Waxa uu ku faanay in; sida fudud ee ciidamadiisa ay ugu siqeen caasimadda Moscow  ay daaha ka rogeyso “dhibaatooyin amni oo halis ah.”

Prigozhin, oo horey xulufo ula ahaa madaxweyne Vladimir Putin, ayaa waxaa muddo uu loolan kala dhaxeeyey wasiirka difaaca Sergei Shoigu iyo taliyaha ciidamada Valery Gerasimov, wuxuuna dalbaday in xilalka laga qaado sababo la xiriira dagaalka Ukraine.

“Waxaan dooneynay inaan muujino awooddeena ee ma rabin inaan afgambino dalka,” ayuu yiri Prigozhin.

Waxa uu ku faanay in ciidamadiisa “ay xannibeen dhammaan kaabayaasha militari,” oo ay ku jiraan saldhigyada cirka intii ku wajahnaayeen Moscow, oo ay u jirsadeen 200 km.

Prigozhin ayaa joojiyey duulaankii Moscow, wuxuuna ciidankiisa ka saaray xarumo militari oo ay qabsadeen oo ku yaalla magaalada Koonfureed ee Rostov, oo xuddun u ah dagaalka Ukraine, kadib dhex-dhexaadin uu sameeyey hoggaamiyaha Belarus Alexander Lukashenko.

Ma shaacin halka uu farriinta kasoo duubay, balse wuxuu sharxay in Lukashenko uu u yaboohay hab ay kusii jirin karaan ciidamada Wagner, oo muhiim u ah dagaalka Ruushka ee Ukraine, islamarkaana ku sugan dalal ka mid ah Afrika iyo Bariga Dhexe.

“Lukashenko wuxuu yaboohay xal ay hab sharci ah ugu sii socon karto shaqada shirkadda militariga gaarka ah ee Wagner,” ayuu yiri Prigozhin.

Xarunta dhexe ee kooxda Wagner ee Saint Petersburg ayaa si caadi ah u shaqeyneysa, islamarkaana wasiirka arrimaha dibedda Sergei Lavrov ayaa sheegay inay kasii shaqeyn doonto dalalka Mali iyo Jamhuuriyadda Afrika Dhexe.

The post Madaxa Wagner oo soo hadlay kadib duulaankii Moscow, shaaciyeyna qorshihiisa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this