Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Go’aan muhiim ah oo lagu gaaray kulankii maanta ee hay’adaha amniga Xamar

Recommended Posts

Deeq A.   
kulan-amni.jpg?fit=1024%2C683&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiinta ugu sareysa hay’adaha ammaanka ayaa saraakiisha howlgalka ciiltire ee lagu sugayo amniga Muqdisho waxay galabta kula shireen taliska ciidanka booliska Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa shir guddoomayey kulankaas oo diiradda lagu saaray gorfeynta amniga iyo xasiloonida caasimadda Muqdisho.

Shirkaan waxaa lagu qorsheeyey sidii loo sii adkeyn lahaa amniga caasimadda maalmaha Ciida iyo toddobaadka lagu jiro ee xorriyada.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, saraakiisha kale ee booliska, NISA iyo masuuliyiinta dhanka amniga ee maamulka gobolka Banaadir ayaa ka soo qeyb galay shirkaas.

Shirkaas waxaa warbixin looga dhageystay saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka Ciiltire ee Muqdisho ka socda, kuwaas oo ka kala tirsan Boliiska, NISA iyo Polizia Militare.

Saraakiishaan iyo ciidan ay hoggaaminayaan ayaa u xil-saaran amni ku soo dabaalidda caasimadda Muqdisho oo ay ragaadiyeen weerarrada Al-Shabaab, sidoo kale ciidankaan ayaa ka howlgala daafaha caasimada.

Kulankii maanta oo daarnaa, dardargalinta amniga iyo xasiloonida caasimada inta lagu guda jiro maalmaha Ciida iyo toddobaadka xorriyadda ayaa saraakiisha la faray in shacabka Soomaaliyeed ay u fududeeyaan inay u xafladeeyaan si nabad ah.

Amniga Caasimada Muqdisho ayaa soo hagaagaya, tan iyo markii uu bilowday holwgalkaan ‘Ciiltire’ waxayna shacabka caasimadu ka reysteen weerarradii Al-Shabaab.

Kooxda oo looga adkaaday dagaalkii furimaha ayaa sidoo kale laga sii ciribtirayaa caasimadda oo mar hore ay ku xidideysteen, waxaana shalay oo ugu dambeysay ay dowladu la wareegtay guri ay ka soo ridi jireen Hoobiyaha oo ku yaalla degaanka Garasbaaley.

355704866_720068336826442_78093575053608 Taliye-Shub-jeneraal-mahad-aadan.jpg?res Yabooh.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 347430703_720068526826423_90928577311648 355108155_720073063492636_20007881360351 356086359_720073020159307_67305441199111 firin.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 kulan-amni.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 mooshin.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 xasilinta.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Sawirro: Go’aan muhiim ah oo lagu gaaray kulankii maanta ee hay’adaha amniga Xamar appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this