Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay ajaanib ka tirsan Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20230626_210708268.jpg?resize=620

Hawlgal qorshaysan oo ciidanka Booliska dowladda Puntland ka sameeyay buureyda Gobolka Bari ayay ku qabtay ajaanib ka tirsan maleeshiyaadka Daacish.

Warbixin uu soo saaray Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Hawlgalkaas uu ka dhacay buuraleyda Camaamo ee degmada Balli-dhidin ee Gobolka Bari.

Warbixin ayaa lagu caddeeyay in xubnaha Hawlgalka lagu qabtay uu ku jiro Maxamed Ibraahim Daaha islamarkaana ay u dhasheen dalalka Suuriya iyo Suudaan.

“Waxay ciidanka Booliska Puntland gacanta kusoo dhigeen Ajaaniib udhashay Dalka Suudaan iyo Sayria uuna kamid yahay Mohamed Ibraahim Daaha” ayaa lagu yiri qoraalka.

Booliska Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan qorshe ballaaran oo lagu burburinayo maleeshiyaadka Daacish ee ku dhuumaalaysta buuraha Gobolka Bari.

PUNTLAND POST

The post Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay ajaanib ka tirsan Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this