Sign in to follow this  
General Duke

Xasan Dahir we will sack Sharif's.

Recommended Posts

Asmara(HR Media):- Shiikh Xassan Daahir Aweys iyo Yusuf indhacade oo ah Xoghayaha Difaaca ee Isbaheysiga dib u xoreynta ayaa si kulul u eedeeyey Shariif Axmed oo dhawaan eedeyn kulul usoo jeediyey Dowlada Eritereya. Kooxda Asmara ku sugan ayaa sheegay in Shariif Axmed uu jabiyey siyaasadii xisbigood.

Shiikh Xassan Daahir Aweys oo wareysi siiyey Telefishonka Al Carabiya ayaa sheegay in Shiikh Shariif Axmed uu meel ka dhac weyn ku sameeyey Siyaasadii Isbaheysigooda, wuxuuna ku tilmaamay eedeyntii Shariif Axmed usoo jeediyey Dowlada Eritereya in ay ahayd khalad weyn oo uu ka galay hogaamiyahaasi ururka uu matalo.

Shiikh Xassan Daahir Aweys ayaa ka dhawaajiyey in xilka laga xayuubin doono Shiikh Shariif Axmed mar hadii uu garab maro siyaasadooda, asagoo sheegay in shir ay dhawaan asmara ku yeelan doonaan ururkooda.

Dhinaca kale Yuusuf Indhacade oo asaguna kamid ah kooxda asmara hada ku sugan ahna Xoghayah Difaaca ee Isbaheysigaasi ayaa sheegay in Xarunta Asmara ee dalka eritereya ay tahay meesha ay ka shaqeeyaan oo ah fadhigooda isla markaana aan la bedali karin.

Yusuf indhacade ayaa hadalka soo saaray xili la hadal hayo in Shariif Axmed iyo shariif Xassan ay u kicitimeen dalka Yemen, ayagoo halkaasi wadahadal kala sameyn doona dowlada Yemen arrimaha Soomaaliya. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Labada shariif laga yaabo in ay xaruntooda ka dhigtaan dalka Yemen, ayagoo aan dooneyn in ay dib ugu noqdaan dalka Eritereya.

Indhacade ayaa sheegay in isbaheysigooda uu ku dhisan yahay heshiis wadajir ay u gaareen isla markaana ay ku heshiiyeen in xaruntooda ay ahaato Asmara isla markaana aan meel kale laga dhigi karin. Wuxuu sidoo kale indhacade digniin u diray Dowlada Jabuuti oo uu sheegay inuu ugu baaqayo in aysan kala qeyb shacabka Soomaaliyeed, waa suu hadalka u dhigayee.

Xubnaha ku sugan Asmara ayaa ugu hanjabay Shariifyada in xilkooda ay ku weyn doonaan xad gudubyada ay sheegeen in ay ku sameeyeen sharuucdii uu tiilay ururkooda.

Shiikh Xassan Daahir Aweys, Indhacade iyo xubnaha kale ee ku sugan Eritereya ayaa la sheegay in culeys uu ka haysto dhinaca Dowlada Eritereya oo horey uga soo horjeeday wadahaladada Jabuuti ka socday, ayadoo ay arrintaasi hada u dheertahay in dolwada Eritereya ay si weyn uga carootay hadaladii kasoo yeeray dhawaan Shiikh Shariif Axmed oo ku dhaliiceeyey in dowladaasi ay faraha kula dhex jirto ururkooda isla markaana kala qeybineyso.

Warar hoose oo laga helayo xubno ku sugan magaalada Asmara ayaa sheegaya in saraakiisha dowlada Eritereya ay la socodsiiyeen xubnaha ku sugan dalkooda in ay si weyn uga xun yihiin in ururkaasi xubno kamid ah ay dhaliiceeyaan ayadoo sheegtay in ay soo dhaweysay oo dhulkooda u furtay, arrintaana loogu jawaabay, walow aan la sheegin dowlada Eritereya ay dalkeeda ka cayrin doonto xubnaha Isbaheysiga kuwaasi oo hada sheegay in ayagu kasoo horjeedaan hadaladii Shariif Axmed.

Horseed Media

Share this post

Link to post
Share on other sites

Xasan Daahir: Sh. Shariif waan casilaynaa

28 May 28, 2008 - 8:50:46 AM

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha Isbahaysiga Asmara kuna sugan dalka Eritrea ayaa sheegay inay damacsan yihiin inay xilka ka qaadaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo xubnaha kale isaga ku fikirka ah.

Daahir Aweys, wuxuu sheegay in Sheekh Shariif iyo xubnaha racsan ku xadgudbeen sharciga u dagsan Isbahaysiga, taasina ay sababtay inay goostaan inay xilalka ka qaadaan.

Xasan Daahir; oo wareysi dheer maanta siiyay TV-ga ku hadla Afka Carabiga ee Al-carabiya ayaa daboolka ka qaaday in golaha dhexe ee ururkaas ay shir isugu yeereen, isla markana ay go'aannada xil ka qadista ku gaari doonaan shirkaas.

"Way na wanaajisay Eritrea, waxaana gaarnay guul la taaban karo, waayo dunidu waxay maanta ogoshay inay nala hadasho" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo taleefoonka wareysi ku siinayya TV-ga Al-carabiya.

Sheekh Xasan Daahir, wuxuu sheegay inay fashilmeen dhexdhexaadinno laga dhexwaday isaga iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, balse ma uusan sheegin cidda dhexdhexaadinta ka dhexsamaysay.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in eedeyntii uu Sheekh Shariif u jeediyay Eritrea ay ahayd mid aan loo dhameyn, isla markaana ay tahay mid aad looga xumaado, isagoo sheegay in Dowladda Asmara ay tahay mid abaal weyn ku leh Isbahaysiga iyo xubnihiisa.

"Ma jiraan wax cadaadis ah oo ka haysta Eritrea Sheekh Shariif iyo xubnaha kale, hadalladaasna waa been la abaabulay" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir oo ka jawaabayay su'aal ahayd in cadaadis uu dhanka Eritrea ka haysto Sheekha iyo xubnaha kale ee ku sugan Jabuuti.

Sarkaalkaan; ayaa yiri: "Shirka xilka looga qaadayo Sheekh Shariif wuxuu dhacayaa bisha soo socda bartamaheeda", ayuu carrabka ku dhuftay Sheekh Aweys.

Khilaaf aad u xooggan ayaa soo dhexgalay Isbahaysiga Asmara kaasoo gaaray inay xubnaha Isbahaysigaas ku mideysnaa ay hawada isku mariyaan eedeymo kala duwan, kuwaasoo saameeyay shacabka Soomaaliyeed.

Garowe Online, Muqdisho

Sh. Xasan Daahir oo sheegay in ey xilka ka qaadayan Sheekh Shariif

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 28-May-08

Wareysi uu siiyay talefishinka Al-Carabiya Sheekh Xasan Daahir Aweys ayuu ku sheegay in ey dhawaan qorsheynayaan in ey xilka isbaheysiga ka xayuubiyaan gudoomiyaha isbaheysiga dib u xoreynta Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xubnaha ey qorsheynayaan in ey xilka ka qaadaan Sheekh Uweys iyo raga kale ee ku sugan Asmara ayaa u cuskana sida uu sheekh Uweys sheegay in ey ku talaabsadeen xadgudubyo ka dhan ah axdiga isbaheysiga.

Mar wax laga weydiiyay sheekha sida uu u arko eedeymaha uu dhawaan usoo jeediyay dowladda Eritrea gudoomiyaha isbaheysiga Sheekh Shariif ayaa sheegay in eedeyntaasi ey eheyd mid u gaar ah Sheekh Shariif islamarkaana dowladda Eritrea ey tahay mid wanaajisay isbaheysiga dib u xoreynta soona dhaweysay xilli aduunka oo idil dhabarka xijiyeen.

Waxa uu sheegay Mr. Uweys in bisha soo socota uu isbaheysigiisu ku kulmayo Asmara islamarkaana halkaasi go`aan looga gaari doono gudoomiyaha isbaheysigaasi Sheekh Shariif iyo xubnaha ku fikirka ah ee iyana ka tirsan isbaheysiga.

Sheekha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ey fashilmeen dhex-dhexaadin laga dhex waday isaga iyo sheekh Shariif, sidaas daraadeedna isbaheysigu uu ka tashan doono xubnahan.

Dhawaan ayey aheyd markii eedeymo aan laga fileyn uu u soo jeediyay gudoomiyaha isbaheysiga dib u xoreynta Sheekh Shariif dowladda Eritrea taasoo uu ku eedeeyay in ey faragalin ku hayso isbaheysigooda uuna kacodsanayo in ey faraha kala baxdo.

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in isbaheysiga lagu aas-aasay Asmara uu labo u kala jabay, dhawaana ey si cad u kala qeybsami doonaan iyagoo lahaan doono laba hogaan oo isbarbar socda.

Garabka gudoomiyaha Isbaheysigaas ayaa iminka ku sugan una jooga dalka Jabuuto wadahadalo ey la leeyihiin dowladda federalka iyo beesha caalamka.

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.

All Ina Aweys wants is to have all their eggs in one basket and thats bad whereas Sh. Sharif bored with the current strategy and their inability of any progress whatsoever in the political arena and therefore the good Sheikh wants a bit of fresh air and a lil bit change of Asmara system settings and this from another perspectives in their pursuit of some sort of workable solution in that field and of course acceptable to us all, ehm...I mean the vast majority of somalis of course.

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this