Sign in to follow this  
Deeq A.

RW ku xigeenka dalka: Gumeystihii hore mid lamid ah ayaa hadda ka jira dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
Saalax-1.jpeg?fit=1500%2C1200&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac oo xalay ka qayb-galay munaasabadda 26 June ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda guud ee dalka, maadaama loo dabaal-dagayo xoriyadda Soomaaliya.

Saalax ayaa shaaciyay in weli Soomaaliya ay la daala dhaceyso dhibaatooyin adag isla-markaana uu dalka ka jiro gumeysi lamid ah midkii hore, sida uu hadalka u dhigay.

“Waayihii markaa jiray ee gumeysi la dirirka ee la’isaga kicinayay ee dowladnimada lagu hirgeliyay waayo lamid ah ayaa la jira hadda” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

Sidoo kale waxa uu xusay in dalka uu leeyahay Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay cadow ku yihiin dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in loo baahan yahay sidii la’isaga dul qaaday gumeystihii hore in Al-Shabaab la’isaga dul-qaado.

“Cadow-beynu leenahay, dadkiina barakiciyay, leynaya, halis gelinaya. Raggii maalintaa u kacay say ugu kaceen oo dhexda u xidheen baa annaga nalaga rabaa” ayuu markale yiri.

Waxa kale oo uu sii raaciyay “Marka gumeysi cad in la’iska kiciyo maahee ee kan dadkii gumaadaya ee Diinteenii sheeganaya ee midankeenana leh isna waa in la’iska kiciyo”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dalka ay haatan ka socdaan howlgallo culus oo Al-Shabaab looga xoreynayo dalka oo dhan, kaas oo wajigiisa 1-aad guul weyn laga gaaray.

Si kastaba, wajiga labaad oo haatan bilaabanaya ayaa qorshuhu yahay in lagu gaaro Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana kusoo biiri doono ciidan ka socda dalalka dariska.

The post RW ku xigeenka dalka: Gumeystihii hore mid lamid ah ayaa hadda ka jira dalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this