Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Agaasimeyaal la soo taagay Maxkamad

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16877106907596228.jpg?resize=720%Xeer-ilaaliyaha qaranka Suleymaan Maxamed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta Maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay afar eedeysane oo loo haysto kiis musuqmaasuq oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xeer ilaalinta, eedeysanayaasha maxkamadda la soo taagay ayaa kala ah; agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, agaasimaha waaxda ajaanibta ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda, mas’uulkii xafiiska fiiso bixinta ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda iyo maamulihii bangiga dhexe ee laanta garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa eedeysanayaasha u dirtay xasbi ku hayn ku meelgaar ah, si looga gungaaro kiiska lagu eedeynayo, kaddibna maxkmadda loo soo gudbiyo eeda loo haysto.

FB_IMG_16877100891110323.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Muqdisho: Agaasimeyaal la soo taagay Maxkamad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this