Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Isku Dubaridka Munaasabadda Todobaad Xoriyadda oo Kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   
Wasiirka arrimaha Gudaha ee XFS ahna Guddoomiyaha guddiga u diyaar garowga xuska maalmaha Xorriyadda mudane Ahmed Cali Fiqi ayaa shir guddoomiyay kulan gaar ah oo looga hadlayay isku dubaridka munaasabadaha isa-saaran ee nagu soo fool leh barri ay ugu horeyso.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir  ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), xubnaha guddiga  muunaasabadda 26-Juun,1-Luuliyo iyo Ciidul Adxa ay ka warbixiyeen sida loogu diyaar garoobay.
Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa siweyn looga dareemayaa maalmaha todobaadka Xoriyadda iyo Ciidul Adxa oo isku soo aaday waxaana sidoo kale bulshada laga dareemayaa qaabka ay usoo dhoweynayaan, iyadoo caasimadda ay ka socdaan olole Nadaafadeed.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this