Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo maalintii labaad ka socda Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
laascaanood.jpg?fit=1600%2C950&ssl=1

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta mar kale dagaal culus uu ka qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyo ciidamada milatariga Somaliland iyo dadka deegaanka.

Dagaalka oo galay maalintii labaad oo xiriir ah, soona billowday shalay ayaa lagu soo warramayaa inuu ku sii fiday deegaano horleh oo ku yaalla waqooyiga magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka ay barbar socoto duqeyn xoogan, taas oo sii adkeyneysa xaaladda adag ee ka jirta halkaasi.

Sidoo kale xaaladda magaalada ayaa lagu soo warramayaa inay cakiran tahay, isla-markaana ay koronto la’aan tahay, taas oo ay waxyeelo gaarsiiyeen madaafiicda.

Duqeynata ayaa sidoo kale saameysay goobo kale sida dugsi lagu barto farsamada gacanta, xarun ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Telesom, meelo kale oo isbitaalka guud ka mid ah, meel kayd u ah shirkad gaaska iibisa iyo guryo aad u badan.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, balse labada dhinac ayaa weli is weydaarsanaya hub culus iyo sidoo kale hoobiyeyaal.

Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda magaalada Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta.

Dagaalladan ayaa kusoo aadayo, ayada oo bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM looga hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayada oo loogu Somaliland in ciidamadeeda ay kala baxdo aagga Laascaanood, sidoo kalena ay is xakameeyaan ciidamada SSC, si gargaar loo gaarsiiyo dadka ay waxyeelada soo gaaray.

The post Dagaal culus oo maalintii labaad ka socda Laascaanood appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this