Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin Kooban:46-Sanno ayaan Makka ku sugnaa,Waxaan sheegi karaa cid kasta oo is tidhaahda ka macaash Xujaajta  in cidhibtoodu meel xun ku dambayso

Recommended Posts

Deeq A.   
46 sanno noloshayda ayaan Makkah Al Mukarramaha ku sugnaa. Waxaan si kalsooni leh idiinku sheegi karaa, cid kasta oo is tidhaahda ka macaash martida Ilaahay ee xajka iyo cimrada Makkah u yimaada, in ciribtoodu meel xun ku dambayso, cudurro xun sida dhiig kar, sonkor, iyo kansar. Ma jiro dalka Sucuudiga ogaantayda hal qof oo maal qabeen la sheego oo xujey lacag ka sameeyey.
Xaaji neefkii iyo dalaggii yaraa afrika iyo aasiya gurteeda soo gaday si uu xajka u guto, lacagtiisu wexey u goyseyna adeeg aan la siin, ee la is yiraahdo ka macaash, lacagtiisu waa sun. Qaylo ayaa ka yeereysa xujeyda Soomaalida ee Makkah iyo Madiina gaadhey. Ma joogo anigu mana xaqiijin karo, laakiin waa in baaritaan lagu sameeyo ka madax bannaan, wasaaradda iyo shirkadaha adeegga. Lacagta xaajiga laga qaado waa la yaqaan wexey goyso, iyo meeshey dejin karto.
xujey.jpg
Waxa qoray: Sh.Maxamed Idris

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this