Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasime cusub oo loo magacaabay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
20230625_035922.jpg?resize=720%2C672&sslAxmed Naxar Siciid Aw-nuur

Garoowe: 25 June 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 38 ee 24-ka Juun, 2023, kuna saabsan magacaabid Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Axmed Naxar Siciid Aw-nuur loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

The post Agaasime cusub oo loo magacaabay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this