Deeq A. Posted June 24, 2023 Qaanqaan (bidix), Jeer, Qarjab iyo Baaruud Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilkii qaaday guddoomiyihii gobolka Nugaal Cawil Mataan iyo ku-xigeenadiisii, wuxuuna magacaabay mas’uuliyiin cusub. Madaxweyne Deni ayaa taliyihii hore ee qaybta Booliska gobolka Nugaal Cabraxmaan Xaaji Abshir (Qaanqaan) u magacaabay guddoomiyaha gobolka Nugaal, halka guddoomiye ku-xigeenka 1-aad uu u magacaabay Mukhtaar Faarax Jeer, sidoo kale Cabdiraxmaan Ciise Maxamed (Bariir) ayuu u magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad. Dhanka kale Madaxweyne Deni ayaa wasiirkii hore ee amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab u magacaabay la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha gudaha iyo amniga, halka uu wariyihii hore ee BBC-da Qaalib Xasan Maxamuud Baaruud u magacaabay la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha saxaafada iyo wacyigelinta. Hooska akhriso wareegtooyinka Garoowe: 25 June 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 31 ee 24-ka Juun, 2023, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo ku-xigeenadiisaMadaxweynaha Dowladda PuntlandMarkuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka NugaalMarkuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.Wuxuu xeeriyey:1. Waxaa Cabdiraxamaan Abshir Faarax loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal2. Waxaa Mukhtaar Faarax Jeer loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-AAD Gobolka Nugaal3. Waxaa Cabdiraxmaan Ciise Maxamed (Bariir) loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka 2-AAD Gobolka Nugaal4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. Garoowe: 25 June 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 36, Lr . 37 ee 24-ka Juun, 2023, kuna saabsan magacaabid La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada iyo wacygelinta.Madaxweynaha Dowladda PuntlandMarkuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.Wuxuu xeeriyey:1. Waxaa Cabdi Xirsi Cali Qarjab loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Gudaha iyo Amniga.2. Waxaa Qaalib Xasan Maxamuud Baaruud loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada iyo Wacyigelinta3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo sameeyay magacaabis appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites