Deeq A. Posted June 24, 2023 Somaliland ayaa ciidamadii ugu badnaa soo dhoobtay jiidda Gobolka Sool si ay duullaan ballaaran ugu qaado Laascaanood islamarkaana dib ugu qabsato. Ciidamadii ugu badnaa ee Puntland ayaa dhinaca kale ku sugan duleedka waqooyi ee Garoowe kadib markii halkaas loo keenay xiisaddii dhawaan ka dhacday caasimadda. Madaxweyne Deni ayaa hore marar kala duwan warbaahinta uga hanjabay Somaliland kuna dhawaaqay in aysan Puntland qarsan doonin difaaca Gobolka Sool. Hanjabaadda madaxweynaha Puntland oo aan weli ficilkeeda la hayn ayaa dhiillo xooggan gelisay Taliska Muuse Biixi oo dhankiisa laba-jibbaaray abaabulka ciidan ee ku jihaysan Laascaanood. Ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale maanta duqaymihii ba’naa ku garaacay Laascaanood gaar ahaanna xarumaha danta-guud iyo goobaha cibaadada. Abaabulka iyo dhaq dhaqaaqyada ciidan ee Somaliland ayaa marba marka ka danbaysa sii kordhaya waxaase heegan sare ugu jira cutubyada difaaca shacabka ee SSC-Khaatumo. PUNTLAND POST The post Maxaa ka soo kordhay xiisadda dagaalka Laascaanood? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites