Sign in to follow this  
Deeq A.

Odowaa iyo Biixi oo xilalka wareejiyay + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
353639728_745321930928760_75014376656053

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta si rasmi ah xilalkii ugu kala wareegay taliyeyaashii hore ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa cusub ee todobaadkii hore lasoo magacaabay.

Wasiirka Gaashandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo goojoog ahaa munaasabadda ayaa xilalka u kala wareejiyey taliyaha cusub ee ciidanka Xoogga dalka, Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyihii hore Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Sidoo kale taliyihii hore ee ciidanka dhulka, Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa isna xilka ku wareejiyey taliyaha cusub Jeneraal Axmed Aadan Cali.

Labada taliye ee xilka wareejiyay Odowaa iyo Biixi oo hadallo ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay inay la shaqeeyaan taliyeyaasha lasoo magacaabay, si horey loogu socdo.

Dhankooda taliyeyaasha cusub Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Jeneraal Axmed Aadan Cali ayaa ballan qaaday inay shaqada halkeeda kasii wadi doonaan, waxayna sidoo kale ammaan iyo boggaadin u jeediyeen labada taliye ee maanta xilalka ku wareejiyay.

Isbeddalka ayaa imaanaya ayada oo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda muddo bil ah qaadin wax howlgal ah oo ka dhan ah kooxda.

Si kastaba, waxaa iska soo beegmay xilka qaadista lagu sameeyay taliska ciidanka Xoogga dalka iyo xilka qaadistii guddoomiyihii hre gobolka Hiiraan Cali Cusmaan Jeyte, oo isna hormuud u ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka.

Soomaaliya waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo la doonayo in dalka oo dhan looga xoreeyo, kaas oo wajigiisa labaad la filayo inay kusoo biiraan waddamada dariska ah.

353407269_745321977595422_87349461887839 353455197_745322004262086_76877465853624 353639728_745321930928760_75014376656053 356155066_745322044262082_11652060468810

 

The post Odowaa iyo Biixi oo xilalka wareejiyay + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this