Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Tirada xoolaha sanadkaan laga dhoofiyay dalka oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   
xoolo-berbera.jpg?fit=640%2C360&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Xannanada Xoolaha XFS Mudane Xasan Xuseen Eeleey ayaa shaaciyay in tirada xoolaha sanadkaan laga dhoofiyay Soomaaliya ay gaareyso in ka badan 1.2 Milyan oo Neef.

“Qiyaasta aan hadda hayno ku dhawaad 1.2 illaa 1.5 Milyan xoolo ah ayaa Xajka loo qaaday, tirada u dambeysana marka ay dhamaadaan ayaa soo sheegi doona Insha Allah,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha.

Waddamada Khaliijka Carabta ayaa loo raray Xoolahaas oo la hubiyay caafimaadkooda, maadaama kahor inta aan la daabulin laga howl-geliyay dhaqaatiir si ay u ogaadaan caafimaadkooda.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in tirada xoolaha laga dhoofiyay dalka sanadkaan ay ka badan yihiin tii sanadkii hore, taasi oo ay keentay sare u kaca Xujeyda iyo xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Sacuudiga.

“Marka loo fiiriyo sanadkii hore waxaa muuqata in sare kac u jiro oo tirada xoolaha ay ka badan tahay tii sanadkii hore, tirada rasmiga ah iyo waxay kala yihiin waxaa sheegi doona maraakiibta u dambeysa marka ay baxaan.”

“Maadaama sare u kac Xujeyda u jiro oo xajka dadka aadaya tiro badan yihiin waxaa qasab noqoneysa xoolahana inay tiradooda kor u kacdo. Waxa kale oo iyada laftigeeda xusid mudan in aad usoo hagaagayo ganacsiga Sacuudiga iyo dowladda Soomaaliya, marka waxyaabo badna ayaa keenaya inuu sare kac yimaado.”

Inta badan xoolaha la dhoofiyay ayaa waxaa maraakiib iyo doomo looga qaaday dekedaha Berbera iyo Boosaaso, ayada oo wasaaraddu ay si gaar ah ula socoto, sida uu sheegay Wasiir Xasan Eeleey.

Wasaaradda ayaa dhawaan si rasmi ah usoo bandhigi doonta tirada guud ee xoolaha laga qaaday Soomaaliya, nooca ugu badan iyo sida ay kala yihiin, marka ay baxaan maraakiibta ugu dambeysa.

Hoos ka daawo muuqaalka

The post Daawo: Tirada xoolaha sanadkaan laga dhoofiyay dalka oo la shaaciyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this