Deeq A. Posted June 23, 2023 Marxaladdii ugu muhiimsanayd ee geeddiga doorashada ayaa shalay oo ku beegnayd 21June inoo soo gebagabowday, taas oo isugu jirtay diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo qaybinta kaadhadhka oo ka dambaysay, isugeyntoodana qaatay muddo 6 bilood ah. Runtii waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka sanduuqa doorashada, bogaadintana waxaa leh KDQ oo dedaal muuqda geliyey sidii hawshu halkan u soo gaadhi lahayd. Xisbi ahaan, waxa aannu qaadannay doorkii nagaga aaddanaa wacyigelinta diiwaangelinta iyo sidoo kale kaadh-qaadashada, waxana aannu uga soo baxnay sidii ugu habboonayd, annaga iyo taageerayaashayaduba. Taasina wax ay muujinaysa sida aannu Xisbi ahaan diyaarka ugu nahay qabsoomidda doorashooyinka, gaar ahaanna doorashada Madaxtooyada oo ah tan hadda wakhti ahaan, sharci ahaan iyo miisaaniyad ahaan ba diyaarka ah. Waxaa xaqiiq ah in guud ahaan shacbiga Somaliland, xisbiyada qaranka, beesha caalamka iyo KDQ ay ka soo baxeen doorkoodii, xaajana waxay maraysaa “Loogow laguu fadhiyee”! Ugu dambayn, waxa aannu qabnaa in sida ugu dhakhsaha badan loo soo saaro jadwalkii doorasho, maadaama hawshii ugu weyneyd ee diiwaangelintu soo gebagbowday, si awoodda umadda loogu soo celiyo, loona xaqiijiyo himiladii ay naawilayeen oo loo nooleeyo rejeda shacabka! Guddoomiye Xirsi . Qaran News Share this post Link to post Share on other sites