Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in dagaalkii Garoowe laga soo abaabulay Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   
Puntlandm.webp?fit=768%2C477&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa Madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia) ku eedeysay inay ka dambeyso dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa sheegay in Villa Somalia ay adeegsaneyso Senatorada iyo qaar kamid ah xildhibaannada heer federaal ee Garoowe ku sugan, kuwaasi oo ku eedeeyay inay ka dambeeyeen kicinta iyo abaabulka dagaalkii Garowe.

Wuxuu sheegay inay hayaan caddeymo ku filan oo arrintaas muujinaya, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde.

“Qeybta uu hoggaaminayo Senator Timacadde ayaa waxaas ka shaqeynaya, waxaa u arkeyna inay ka shaqeynayaan burburka Puntland,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

“Ciddii ka shaqeysa inay qalqal galiso  caasimadda iyo amni darrada Puntland, waxaan u aqoonsanaynaa inay yihiin cid taageersan Muuse Biixi iyo cadowga SNM ee dalkeenna kusoo duulay.”

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay Senator Timacadde iyo mudanayaasha kale inay qeyb ka yihiin qorshe lagu xagal daacinayo halganka SSC, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxay ka shaqeynayaan (Timacadde) iyo saaxiibadii in Somaliland ay dib u qabsato magaalada Laascaanood, iyaga oo xagal daacinaya halganka SSC,” ayuu yiri guddoomiye Cabdirashiid.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxay ku shaqeynayaan (Senatorada) aragtida madaxweyne Xasan Sheekh uu ka leeyahay doorashada Puntland, waxaa ka dhex hadleysa Villa Somalia.”

Guddoomiyaha ayaa si cad u garab istaagay dagaalka ay SSC kula jirto Somaliland, kaasi oo uu ku tilmaamay mid la isaga dhicinayo cadowga SNM, “Beelihii, qabaa’ilkii iyo dadkii oo dhan ayaa tagay, anaga oo dhan ayaa ah SSC oo aniga ayaa kamid ah jamaahirta.”

Hadalka guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa daba socda eedeyn uu dhawaan guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare u jeediyay guddoonka baarlamaanka Puntland, kaasi oo uu ku sheegay inay mas’uul ka yihiin dagaalka ka dhacay magaalada Garowe.

Senatorka ayaa xilligaas sheegay inay qalad ahayd in baarlamaanka uu guddoomiyaha u yahay Cabdirashiid ku deg-degaan furitaanka dastuurka, oo sida la fahamsan yahay uu gadaal ka riixayo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

The post Puntland oo sheegtay in dagaalkii Garoowe laga soo abaabulay Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this