Saalax Posted June 25, 2010 “Aniga oo nasteexadiina eegaya ka codeeya KULMIYE, ka codeeya UDUB oo u codeeya kelimatu Laa’ilaha Illalaahu Muxamadu Rasuululaahi.” Musharaxa UCID Eng. Faysal Cali Waraabe Hargeysa: Musharaxa Madaxweynaha ah-na Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalad Hargeysa ayaa bulsho-weynta reer Somaliland u soo jeediyey khubad dhinacyo badan taabanaysa, taas oo nuxurkeedu yahay in la doorto xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID. Waxa kale uu Gudoomiyuhu khudbadiisa kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan qaabka ay dalka u xukumi doonaan, hambalyooyin uu u soo jeediyey Komishanka, shacbka Somaliland, Ciidamada Qaran iyo kuwa amaan iyo axsaabta-ba. Waxaana uu khudbadiisa ku bilaabay sidan:- “Marka ugu horaysa ilaahay ayaan u mahad-naqayaa subxaana watacaala. Ta labaad waxa aan u mahad-naqayaa dhamaan shacabka reer Somaliland ee sida il-baxnimada ah ee wanaagsan u gutay waajibaadkii distooriga ahaa. Waxa kale oo aan iyana ammaanayaa saddexda xisbi, oo iyaguna si fiican oo shacriga aaminsan oo welibana xeerka doorashooyinka waafaqsan u gutay ololihii doorashadooda. Waxa kale oo amaantaas oo kale muddan Komishanka qarranka, oo iyaguna hawshoodii si xor ah oo xalaal ah oo aan cidna u habrayn u gutay. Waxa kale oo aan hambalyaynayaa ciidanka Qaranka, oo is-na adkeeyey difaacii Qaranka, iyo Ciidanka ammaanka oo hadh iyo habeen-ba gudanayey waajibaadkoodii nabadgelyada. Walaaloyaal, waxaan jeclahay in hadalkaygani noqdo kii ugu dambeeyey insha’alaahu tacaalaa aniga oo mucaarid ah. Wixii hadda ka dambeeyana haddii ilaahay ka dhigo waxa aan idinkula hadli doonaa afka Ummada, oo xilkii Ummadu ii igmatay ayaan idinkula hadli doonaa. Walaaloyaal, xisbiga UCID, waa ‘yaa u cidaay,’ oo wuu soo gurmaday, waxaana uu doonayaa isha’laahu tacaalaa inuu waddankan isbedel ku sameeyo. Xisbiga UCID maaha mid u dhashay in qof-qof lagu bedelo, ee waxa weeye in isbedel horumar leh uu waddankan ka hirgeliyo, oo uu casriyeeyo. Xisbiga UCID waxa uu doonayaa inuu jahliga la dagaalamo kaas oo ah hoyga qabiilka, Caddaalad darrada’, musuqmaasuqa, caafimaad la’aanta, biyo la’aanta iyo ictiraaf la’aanta oo aanu soo af-jari doono insha’alaahu tacaalaa. Arrimahaas oo dhan ilaahay hortii, waxa aanu u adeegsan doonaa kelmada ‘laa’ilaha illahaalu Muxamadu rasuululaahi,” dalkan [somaliland] waxaa laga hirgelin doonaa sharciga Islaamka. Waxa weeye suurtagal noqon mayso annaga oo dad Isaalama ah oo ilaahay na amray in aanu isticmaalno oo aanu Ummadayada ugu shaqayno Kitaabka ilaahay iyo Sunnaha Rasuulka [NNKH] inuu halkan ka shaqeeyo, suurta geli mayso inuu halkan ka shaqeeyo baynalkoodh ma buug uu nin Hindi ahi soo qoray. Waxaanu jecelnahay inaanu Ummada adduunka u sheegno shareecada Islaamka in aan sas laga qaadin. Shareecada Islaamku waa tii Ilaahay Ummada u soo dejiyey. Waxaanu idiin sheegayna Distoorka Somaliland ee hadda jira ayaanu dabaqi doonaa. Waxa aanu si deg-deg ah u abuuri doonaa Guddidii culimo aw diinka ahaa ee Dastuurku sheegayay. Waxa aanu la fadhiisan doonaa cullimada Somaliland. Waxaan aad iyo aad u hambalyaynayaa geesinimada ay sameeyeen culimada Somaliland ee dadka ku gobaabiyey in xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID u codeeyaan. Sida oo kale waxa aan ammaanayaa Odoyaashii reer Togdheer ee iyaguna beelahooda ku amray inay u codeeyaan xisbiga UCID. Waxa aan iyagana ammaanayaa dadka Soomaaliyeed ee culimo aw diinka ah ee dibada ku nool, ee iyaguna tusay inay sharci tahay in loo codeeyo oo ay laasim tahay in la doorto Kitaabka ilaahay. Dayax ayaa u soo baxay Somaliland. Dayaxaasi ku geli noqon maayo uun Somaliland ee geeska Afrika iyo Umada Islaamku meel ay joogta-ba waxa uu u noqonayaa tusaale fiican. Waxa aanu gacan walaaltinimo ah u taagaynaa waddamada Jaarka ah sida Itoobiya, Somaliya. Kenya iyo Jabuuti dhamaantood walaalnimo ayaa naga dhexayn doonta. Waxa aanu jecelnahay inaanu waddanka iyo waddooyinka-ba wada horumarino. Waxaanu waddamada jaarka ah ka bilaabaynaa sidii Somaliland isctiraaf loogu heli lahaa. Ictiraafka Somaliland bi’idnilaahi tacaalaa waxa aanu ku soo af-jari doonaa sannad gudihii. Waxa aad ogaataan in xisbiga UCID yahay xisbigii nabada, waa kii bilaabay dimuqraadiyada ah in la tartamo oo xisbiyada la furto. Waxa jira dad maanta ordaya oo dastuurka ka soo horjeeday, anaguna waxa aanu ahayn dadkii distoorka taageeray. Markii Somaliland isku carartay [dagaalkii sokeeye] Guddidii nabada ee Somaliland u soo gurmatay af-hayeenkeedu waxa uu ahaa musharaxa xisbiga UCID. Eng Faysal Cali Waraabe. Waxa aan intaa ku darayaa, walaaloyaal tartankii ololaha doorashadu wuu dhamaaday oo annaga ayaa ugu dambaynay oo 23-kii bishan soo xidhnay. Waxa weeye wax cadaawad ah oo naga dhexeeya axsaabtu ma jiro, wixii gef inaga dhacay ilaahay ha inag cafiyo. Labada musharax ee kale waxa aan ugu ballan-qaadayaa inaanu gacmaha is haysano, inaan talo waydiiyo oo aan la tashado insha’alaahu tacaalaa marka ay doorashadu dhamaato. Waxa kale oo aan idiin sheegayaa inaanay UCID keligeed dawlada wada qaadanayn, oo dawlada aanu Somaliland u dhisaynaa waxa ay noqonaysaa dawlada loo wada dhan yahay oo qof kasta oo reer Somaliland ah waanu ku soo daraynaa ama UDUB ha ahaado ama-ba KULMIYE ha ahaadee, waanu ku soo daraynaa maamulka Somaliland. Waxa kale oo aan idiin sheegayaa sidii caadada noo ahaan jirtay, annagu go’aanka Ummadu go’aansado ee ka soo baxa maalinta doorashada inaanu sidii awal-ba aanu u hanayn jirnay in aanu u haynayn doono, oo ciddii soo baxdaba aanu gacan-siin doono. Sida oo kale, waxa aanu u mahadnaqaynaa Ardayda Jaamacadaha ee gudaha iyo dibada ee reer Somaliland ee xisbiga UCID barnaamijkiisa iyo siyaasadiisa uu dalka ku hogaaminayo ansixiyey, ee soo saaray baaqa ahaa inay taageersan yihiin hogaanka xisbiga caddaalada iyo daryeela ee UCID. Waxa aanu u ballan-qaadaynaa igaya oo aanu leenahay waxa aad tihiin maskaxda aanu ugu talogalnay inay waddankan horumariyaan, oo ay dhaqaalaha ka shaqeeyaan oo ay meel kasta ka shaqeeyaan. Shaqo la’aantana insha’alaahu si deg-deg ah ayaanu u soo af-jari doonaa. Waxa weeyaan, Ummada reer Somaliland in la khalkhaliyo maaha, in codkooda la iibsado maaha, waa in la siiyaa xuquuqdooda oo loo daayaa. Shalay waanu soonay oo Ummada reer Somaliland way soontay, waxaana aanu ku guubaabinaynaa inay soomaan oo ilaahay baryaan si doorasho nabadgelyo ah iyo go’aan wanaagsan oo kaayaga khayr-qaba soo saaraa uu u yimaado. Waxaana aan filaayaa inuu ilaahay inaga aqbali doono, ilaahay gacmo ma dhan ma soo celiyee. Ummada reer Somaliland waxa aan leeyahay badhaadhe iyo nabadgelyo ku footeeya berrito. Insha’alaahu tacaa guul wanaagsan, oo aad ku badhaadhaan oo dhibaatada iyo gaajada maanta taagan inaga saarta. Gaajadana waanu cidhib-tiri doonaa insha’alaahu. Waxaana aanu doonaynaa in dalkani [somaliland] uu noqdo dal ka tirsan Adduunka. Waxa uu noqon doonaa dalka Ummadiisa loo shaqeeyo laakiin aan laga shaqaysan. Waxaana aanu samayn doonaa madax dalka iyo dadka u shaqaysa balse aan ka shaqaysan, tu ku dayata Asxaabtii. Anigu cidda aan ku dayanayo ee tusaalaha ii ahi waa Cumar binu Khadaabr. Waxaana aan ilaahay ka baryayaa inuu noo fududeeyo xilka uu na saaray. Siyaasada xisbiga waxaa ka mid ah, wax aanu samayn doonaa Sanduuqii Zakadda, kaas oo aanu doonayno inaanu ku taageerno dadka nugul ee ay ka midka yihiin; Aqoonta, Naafada iyo cidda aanay meel-na wax ka soo gelin. Xilkoodana waxa la wareegi doonta xukuumada, mana jiri doono qof reer Somaliland ah oo waddani ah oo baahi u dhimanayaa, mana jirayo qof dawarsanayaa. Maaha dadka uun cidda uu xilku kaa saaran yahay ee xayawaanka duur-galka ah ee ku nool dhulka aad xukuntid, kuwaas-na insha’alaahu xuquuqdooda ayaanu ilaalin doonaa. Ugu dambayn, walaaloyaal waxa aan idin leeyahay, haddii aanu khayr u leenahay dalka, diinta iyo dadka ilaahow noo dhiib. Haddii aanaan dalka, dadka iyo aakhiradayada aanay khayr u lahayn-na ilaahow ha noo dhiibin, taas ayaanu ku ducaysanaynaa. Ta ugu dambaysaa waxa weeye, maanta waxa baratamaya Baynalkoodhkii iyo Kitaabkii ilaahay. Markaa waxa aan idinkula dardaarmayaa aniga oo nasteexadiina eegaya ka codeeya KULMIYE, ka codeeya UDUB oo u codeeya kelimatu Laa’ilaha Illalaahu Muxamadu Rasuululaahi. Waad xujaysan tihiin oo idinka xaggiina ayay xujadu jirtaa." Oodweynenews.com/Hargeysa Office Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 25, 2010 I don’t know all of a sudden sharia law, what’s that all about Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 25, 2010 I don’t know all of a sudden sharia law, what’s that all about Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 25, 2010 I don’t know all of a sudden sharia law, what’s that all about Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted June 25, 2010 It's about change it's never too late for a new somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted June 25, 2010 It's about change it's never too late for a new somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted June 25, 2010 It's about change it's never too late for a new somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites