Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada Puntland oo war kasoo saaray dagaalkii ka dhacay Garowe + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
355145854_813355580146786_59535974961793

Garoowe (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Puntand oo maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay gudaha xarunta madaxtooyada maamulkaas ayaa si adag uga hadlay dagaalkii maalin kahor ka dhacay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Golaha ayaa marka hore si xoogan u cambaareeyay dagaalkaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar iyo dad shacab ah

Sidoo kale waxa ay golaha wasiiradu tacsi u direen ehellada ay dadkooda ku dhinteen dagaalkaas oo u dhexeeyay ciidanka Puntland iyo kuwa taabacsan mucaaradka.

“Golaha Wasiirada Dowladda Puntland wuxuu ka xunyahay oo cambaareynaya dhacdadii ka dhacday Garoowe 20-kii June 2023, Isagoo ka tacsiyeeyay dhammaan dadkii ku geeriyooday dhacdadaasi, waxaana uu Goluhu caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadka dhaawacmay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay shirka golaha wasiiradu.

Golaha ayaa sidoo kale ku baaqay in la illaaliyo nabada, kala dambeynta iyo dowladnimada, si looga hortago wax kasta oo liddi ku ah dowlad goboleedka Puntland.

Dhanka kale golaha wasiirada oo isla gorfeeyay sida ay wax u dhaceen ayaa iska fogeeyay mas’uuliyadda dagaalkii ka dhacay Garoowe, waxaana xubnaha golaha ay shaaca ka qaadeen in xukuumadu ay muddo dheer dadaal ku bixisay in deganaan loo wadahadlo.

“Sida la wada ogsoonyahay Dowladda Puntland waxay bilihii u danbeeyay dadaal ku bixinaysay sidii wadahadalo nabadeed loogu dhameyn lahaa arrimaha taagan, welina diyaar ayeey u tahay.” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka ay soo saartay xukuumadda.

Waxa kale ay ka digtay xukuumaddu in mar kale ay Garoowe ka dhacaan rabshado keeni kara khal-khal amni, maadaama haatan dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayo magaaladaasi.

“Waxay dowladdu ka digeysaa wax kasta oo keeni kara khalkhal gelin Bulsho, sida dadka faafinaya dacayaadka iyo qixinta dadweynaha” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Bayaankan kasoo baxay golaha wasiirada Puntland ayaa kusoo aadayo, xilli ay haatan socdaan wadahadallo la doonayo in lagu xaliyo xiisadda weli ka taagan maamulkaasi.

354218582_813355770146767_25171017466904 355145854_813355580146786_59535974961793 355381003_813350653480612_53199956032581 355440496_813352500147094_81537835565552 355614986_813364163479261_85828226396318 355721796_813364173479260_30005399062118 355877164_813350280147316_56411699952254

The post Golaha Wasiirada Puntland oo war kasoo saaray dagaalkii ka dhacay Garowe + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this