Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   
Lalibela-scaled.jpeg?fit=2560%2C1707&ssl

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay maanta maleeshiyaad hubeysan ka geysteen xadka u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac intaba.

Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka lagu magacaabo, Xudiwagle oo hoostaga degmada Feer Feer, Soomaaliya ee gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka ay fuliyeen rag kasoo talaabay xadka uu Hiiraan la wadaago dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kuwaas oo kadib baxsaday.

Ugu yaraan hal qof oo kamid ahaa dadka deegaanka ayaadhintay, halka ay dhaawacyo soo gaareen dhowr qof oo kale, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Qofka dhintay iyo dadka kale ee dhaawacmay ayaa dhammaan ah dad beeraleyd ah, waxayna xilligaas ku sugnaayeen beerahooda, sida laga soo xigtay shacabka deegaanka.

Sidoo kale weerarkan ayaa yimid xilli dadka beeraleyda ah ay ku howlanaayeen tacbashada dhul beereed ku yaalla deegaanka Xudiwagle, halkaas oo maanta lagu soo weeraray.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maleeshiyaadka weerarka geystay ay ku labisnaayeen dareeska ciidanka dowlad deegaanka, taas oo shaki kusii abuurtay dadka deegaanka.

Xaaladda deegaanka ayaa haatan ah mid aad u kacsan, ayada oo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo deegaano u dhow xadka labada dhinac.

Si kastaba, marar badan ayaa weeraro noocan oo kale waxa ay ka dhaceen Hiiraan, gaar ahaan deegaano u dhow xadka uu gobolkaas uu la wadaago ismaamulka Soomaalida

The post Weerar culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this