Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Dabageed oo ATMIS kala hadlay arrinta Beledweyn

Recommended Posts

Deeq A.   
355476767_786155619782536_48611614433527

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabelle, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo weli ku sugan magaalada Beledweyne ayaa kulamo xasaasi ah ka wada gudaha magaaladaasi, xili ay weli ka taagan tahay xiisad culus.

Dabageed ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha ciidamada ATMIS ee ku sugan gobolka Hiiraan, isaga oo kala hadlay amniga guud ee magaalada Beledweyne.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa goobjoog ahaa gudoomiyaha magacaaban ee gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Sufurow, saraakiisha ciidamada ATMIS, Sector Four iyo saraakiisha ciidamada booliiska dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee ee HirShabelle.

Yuusuf Dabageed oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo xasiloonida iyo nabadda guud ahaan magaalada Beledweyne, si aysan fowdo uga dhicin magaaladaas oo ay ka taagan xiisad ka dhalatay xilka qaadistii Cali Jayte.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka ayaa faray saraakiisha inay qaataan doorka kaga aadah nabad-gelyada, ayna ka hortagaan wax kasta oo liddi ku ah nabad-gelyda.

Qaar kamid ah saraakiisha oo iyaguna madasha ka hadlay ayaa ballan-qaaday inay fulin doonaan amarka la siiyay, isla-markaana ay ka howlgeli doonaan magaalada Beledweyne.

Shirkan ayaa kusoo aaday, ayada oo weli ay halkeeda tahay xiisadda ka taagan Beledweyn ee ka dhalatay xilka qaadistii lagu sameeyay guddoomiye Cali Jayte, balse uu ka horyimid.

Waxaa kale oo uu sheegay in gobolka Hiiraan gudaheeda ay mamnuuc ka tahay qof ka tirsan ama sheeganaya maamulka HirShabeelle, isaga oo si cad u sheegay in masuuliyiinta HirShabelle aysan iman karin gobolka Hiiraan.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan waxaana magaalada Beledweyn ay weli wajaheysaa  dhaq-dhaqaaqyo laba dhinac oo iska soo horjeedo, taas oo uga sii dareysa xiisadda taagan.

355273826_786155116449253_38952953590154 355289963_786155583115873_16659371539636 355465630_786155563115875_13620109881988 355476767_786155619782536_48611614433527 355711149_786155379782560_69810847403476 355859762_786155449782553_78226312477081

The post Sawirro: Dabageed oo ATMIS kala hadlay arrinta Beledweyn appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this