Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka Dalka oo Shir Heerkiisu Sareeyo Ka Furay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta furay Kulan heerkiisu sarreeyo oo looga hadlayo xasilinta iyo soo kabashada deegaannadii laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah.
Shirkan ayaa inta uu socdo lagu lafa-guri doonaa dardar-gelinta dadaallada ku saabsan xasillinta iyo dib-u-xoreynta goobaha ay wali ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijtu iyo sidii loo midayn lahaa taageerada kala duwan ee dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ay gaarsiinayaan deegaannadii la xoreeyey.
Mudane Saalax oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda uu Barnaamijkani u leeyahay Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan soo kabashada goobahii laga saaray kooxaha Khawaarijta ah oo u baahan in la gaarsiiyo adeegyadii guud ee dowliga ahaa.
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xoreynta iyo xasillinta dalka ay yihiin arrimaha hortebinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran, isagoo la wadaagay saaxiibada caalamiga ah aragtida dowladda ee lagu gaari karo hiigsigaas.
347417293_717139107119365_19606197791146
347559194_717139083786034_86214550890229
347579807_717139187119357_18669307778362
347392981_717139050452704_64617505408119
347431925_717139117119364_60398431628404
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this