Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Waxaan diyaar u nahay in wada-hadal nabadeed lagu xalliyo xaaladda Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1687435001259.jpg?resize=720%2C48

Xukuumadda Puntland ayaa shaacisay in ay diyaar u tahay in wada-hadal nabadeed lagu dhammeeyo xaaladda ka taagan Garoowe.

War ka soo baxay shirkii golaha wasiirada Puntland ee maanta oo khamiis ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladdu ay bilihii u danbeeyay dadaal ku bixinaysay sidii nabad loogu dhammayn lahaa xiisadda taagan.

” Sida la wada ogsoonyahay dowladda Puntland waxay bilihii u danbeeyay dadaal ku bixinaysay sidii wadahadalo nabadeed loogu dhameyn lahaa arrimaha taagan, welina diyaar ayeey u tahay” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Shirka.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in ay ka xun tahay dagaalkii Garoowe ka dhacay Todobaadkan islamarkaana ka tacsiyeynayso dhammaan dadkii ku waxyeelloobay.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Waxaan diyaar u nahay in wada-hadal nabadeed lagu xalliyo xaaladda Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this