Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Muxuu yahay ujeedka shirka u furmay DF iyo beesha caalamka?

Recommended Posts

Deeq A.   
347559194_717139083786034_86214550890229

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmay shirweyne u dhexeeyo dowladda federaalka iyo beesha caalamka.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa furay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, ayada oo looga hadlayo xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab.

Inta uu socdo shirkan ayaa waxaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaaa dadaallada ku saabsan xasilinta iyo dib-u-xoreynta goobaha ay weli ku harsan yihiin xubnaha Al-Shabaab.

Sidoo kale dhinacyada shirka ka qayb-galaya ayaa isla gorfeyn doono sidii loo midayn lahaa taageerada kala duwan ee dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala dalka.

Ku-simaha ra’iisul wasaaraha, Saalax Axmed Jaamac oo madasha ka hadlay ayaa ka codsaday xubnaha beesha caalamka inay laba jibaaraan taageeradooda, isla-markaana ay dowladda ku garab siiyaan soo kabashada deegaanada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Waxaa kale oo uu tilmaamay muhiimadda uu barnaamijkani u leeyahay shacabka, gaar ahaan kuwa ku dhaqan dhulka la xoreeyay ee u baahan in gargaar la gaarsiiyo.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xoreynta iyo xasilinta dalku ay yihiin arrimaha horutabinta u leh xukuumadda Dan-Qaran, isla-markaana ay muhiimad gaar ah siinayaan.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda dhexe, dadka deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah.

Waxaa sidoo kale intaas usii dheer in dalka ay ka jiraan daruufo kale oo nololeed, kuwaas oo ay keeneen abaaro iyo fatahaado soo laa laabtay oo ku dhuftay dalka.

347559194_717139083786034_86214550890229 347557447_717139293786013_27948613542360 347579807_717139187119357_18669307778362 347559194_717139083786034_86214550890229 347431925_717139117119364_60398431628404 347411706_717139277119348_79061296790792 347417293_717139107119365_19606197791146 347392981_717139050452704_64617505408119

The post Sawirro: Muxuu yahay ujeedka shirka u furmay DF iyo beesha caalamka? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this