Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo soo saartay amar la xiriira maalinta ciidda

Recommended Posts

Deeq A.   
1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay awaamiir cusub oo la xiriirta nidaamka xoola qalka maalmaha Ciidul Adxaa.

Shirkadaha iyo hay’addaha sameynaya Udxiyada ayey wasaaradda ku wargelisey in ay raacaan habraacaan ay soo saartay, si loo badbaadiyo dadka iyo deegaanka.

Wasaaradda ayaa amartay in marka hore xoolaha la baaro caafimaadkooda inta aan la qalin iyo markii la qalo kadib, si looga hortagp cudurada ay is qaadsiiyaan dadka iyo dhunyada (Prevention of zoonotic disease).

Waxay mamnuucday in la qalo neefka dhediga ah hadii aysan aheyn dhaqan ka bax (dhalmo goys), ayada oo sheegtay in qalidda neefka dhidiga waxay wax u dhimaysa tartanka xoolaha Soomaaliyeed.

“Waxaa waajib ah in xilliga la gowracayo neefka la ilaaliyo xuquuqda neefka, sida in laga ilaaliyo argagaxa islamarkaana loo gowraco sida ay qabto shareecada Islaamka,” ayaa lagu yiri warqada kasoo baxday Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS.

“Xilliyada udxiyo wadareedka, wasaaradda waxay fareysaa ururada ama hay’adaha ku hawlan udxiyada in ay ku koobaan qalidda xoolaha keliyaha goobaha loo asteeyay sida kawaanada, islamarkaasina waa in ay ku wargeliyaan Wasaaradda si loogu soo diro dhaqaatiirta ku hawlan baarista xoolaha maalmaha Ciidda.”

Wasaaradda ayaa fartay shirkadaha iyo hay’adaha sameynaya Udxiyada inay iska soo diiwaan-geliyaan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa, si loogu diyaariyo dhaqaatiirta la shaqeyneysa maalmaha Ciidul Adxa.

Ugu dambeyntiina waxay ku boorisay samafalayaasha, shirkadaha iyo hay’adaha Udxiyada bixinaya in u hogaansamaan awaamiirta kasoo baxday wasaaradda, si loo badbaadiyo dadka iyo deegaanka.
355133337_716545527178723_58704571886104

355132974_716498500516759_34183676790255

The post DF Soomaaliya oo soo saartay amar la xiriira maalinta ciidda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this