Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Was it Al-Shabaab ???

Recommended Posts

Abwaan   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

I can't find the video either ...... went everyhere i tought i can see something but nothing.

I called the jamhuuriya editor and he is not responding ....

ok that means qoraalkooda waxba kama jiraan haddii aysan caddayn keenin markii la daba galyna weriyihii dhuuntay.

Share this post

Link to post
Share on other sites

ANTARA   

Anuu ismaan laheyn nin somali ah ayaa dhakadaa waalan la iman doona, ilaaheyba inaga og horta wax cadeyna ah ma heyno weliye.

Hadey ku cadaato se, maalintaa ayuun baa rag badan loo yaaaba.

Article By Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK

Jannadu waxa ay taallaa gondaha hooyada (Lakiin garneyl bey dhigeen<--- me)

Ma maanta ayaa Soomaali Maxamed garnayl inta ay dhexda ku xidhatay, dad shicib ah oo meel saf kaga jira ama danahooda u jarmaadsan isku maqiiqday oo janno, abaalmarin, ciqaab, halaag, il, cawri, farxad, naxdin iyo wax si isugu dheggan oo aan la garanayn ka dhex baadhatay.

Muddo imika ku siman laba sannadood iyo dheeraad waxa sidii Fadhanfadhka dhulka hoose ee isku xidha Faransiiska iyo Iswisirlaan rafanayay oo hoosta ka xordayay saynisyahanno iyo farsamayaqaanno reer Bini-Aadan ah. Lacag lix bilyan oo doollar ku dhow ayaa shaqadaasi ku kacday. Ujeeddada ugu weyn ee laga leeyahay waa in laba atam oo naqan oo mid ba gees laga soo kaynaaniyay la iska hor keeno oo madaxa la isugu dhufto, meeshaas qaraxa ka dhaca dabadeed la derso. Halkaasna sidii dunidu ku bilaabantay cilmigeeda laga baadho.

Shiinaha oo xiisihii uu ka qaaday ciyaarihii Olombigga la kurbanaya ayaa isaguna saddex nin samada ku cayntaariyay oo inuu ummadaha isbida barbar ordi karo dhinaciisa kaga dhawaaqay.

Qolyo kale, cid uun ka dhashay ayaa iyaguna meelo xisaab iyo saynis lagu gorfaynayo kaga fekeraya in meerayaasha mar uun la dego oo dabaqyo laga dhiso.

Qolyo kale ayaa fayras xayraan ah meel eryanaya oo dawo aadamaha wax u tarta raadkeeda ku jooga.

Intaas oo dhan iyo in kale oo ka badan waxa ay ka dhacayaan koonka guudkiisa. Wax kale ayaa iyana meel kale ka socda.

Qolo kale oo si u foororta ayaa meel kale oo aad miskiin loogu yahay, dadku qadaa ma dhergaan iska yahay, baahidu ku badan tahay iyana dedaal dheeraad ah ka wadda. Maskax si u maqluuban oo aan caqligalku ku degin iyo muruq ***** ah oo meel aan looga baahnayn lagu muquuninayo iyo maal halkii looga baahnaa aan u socon ayay isu geynaysaa. Belo iyo baas ku abaabulaysaa, wax aan la fahmayn oo cidi saadaalin karayn ku raadinaysaa.

Waa taas cudur dawaynweyday, dayaxa u kiciweyday, wax aadamaha anfac u leh soo saariweyday ee masaakiinta jarmaadsan Hargeysa badhtamaheeda kaga dhiijisay. Waa taas Boosaaso wax ku naafaysay.

Caqliga Soomaaligu si kasta oo uu isaga maqluuban yahay wuxuu lahaa xad aanu dhaafin; xadka maanta laga gudbay ee cawaaqibxumadiisii Hargeysa iyo Boosaaso lagu gardaadiyay.

Muxuu caqligaasi doonayaa? Ma janno? Cadaab? Kursi? Magac? Mooyi, anigu kollay garanmaayo wuxuu doonayo, waxa se aan ogahay oo bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda dhab ka ah:

“Muslin kuma cabiidsamo walloon madaxa kaa goyne”, Saahid Qamaan.

Inta ku nafweyday Hargeysa iyo Boosaaso waxa ay ku baxeen gacan ka xaqdaran. Cidda fikirkaas qalloocan soo fulisay ee halkii ay koonka wax kala qaybsan lahayd wiilal yaryar meel cidla ah ku xeraysatay ee tidhi ishaas baa janno idiinka dagantay ee ka gala abaalkeeda if iyo aakhiro way helaysaa. Waa la is baranayaa, la isdilayaa, la isku soo baxsanayaa, la isla degayaa oo aakhiro la isula dhaadhacayaa, dabadeedna waxa soo hadhaysa:

Naagyahay adduun iga qatalan quusna waan ahaye

Qoonkaad ogayd baan la shiray ama se Qoorgaabe

Caawa na qudhaydiyo Cabdoo qaawan baa hadhaye, Ismaaciil Mire.

Jannadu waxa ay taallaa gondaha hooyada, halkaas in laga dayo oo naxariis, kalgacal iyo muxibbo lagu raadiyo weeyaan. Haddii se hooyada gondaheedii garnayl la dhigo oo inta qaraxu falfalliidh u kala tuuro hilibkeeda laamiyada laga soo ururiyo xaalkaaga iyo janno waa kala dheeranayaan. Xisaab iyo arrimo aan laga gudbayn baa kugu soo mudhuxsanaya.

Falalka foosha xun ee 1029(29kii Oktoobar 2008) Hargeysa iyo Boosaaso ka dhacay waxa ay ka turjumayaan burburkii ummadda Soomaaliyeed soo gaadhay oo dhammaantiis la isku soo koobay. Saddex hal u fiirso.

Carruur Soomaaliyeed oo guryaha Soomaalida oo keli ah jabsata oo wax ka xadda oo magaalada Liverpool ka hawlgasha oo aan bulshadu xilliga ay heerkaas gaadheen ka warhaynin, reerahooda iyo waalidkood na qirsanayn ba.

Saddex kun iyo wax dheer oo wiil oo Soomaaliyeed oo xabsiyada UK ugu xidhan tuugo, dhac, kufsi, xashiishad iyo belo oo dhan oo aan bulshadu goorta heerkaas la gaadhay ka warhayn.

Iyo kuwa jannada hilibka maatada ee Hargeysa la wadhay ka dhexbaadhaya

Saddexdaas murugo waxa ay wadaagaan dun keli ah oo isku xidha; sida bulshada Soomaaliyeed u dhimatay ee aanay isu ogayn.

Saddexda goobood ee Hargeysa ee la qarxiyay waxa ay tusmo kooban inaga siinayaan yoolka bahalaha falka geystay.

Madaxtooyada: Waa meel u taagan maamul la bartilmaansado, muujinaysa nabadda iyo kaladambaynta taalla dalka. Jannadu malaha waxa ay ka dhexmuuqataa buuqa, qaska, waallida iyo isdaba yaaca, geerida iyo burburka masaakiinta. Qofkii naf gooyaa wuxuu la mid yahay qof wixii nool oo dhan gooyay; taasi baabka bahalaha falkan geystay kuma jirto.

Qunsuliyadda Itoobiya: Waa cadawgii oo soo dhowaaday, meel aad ka tiigsankarto soo degay. Jannadu malaha waxa ay ka dhexmuuqatay maatada Ardasababa fiisaha u doonanaysa ee ku talajirta inay waallida Soomaaliya la magacbaxday ka yaacaan.

Xarunta UNDP: Iyagu waa gaalo, hay’ado cadcad oo dano gaar ahaaneed ka leh ummaddan muslimiinta ah ee Soomaaliyeed ee aan hilbahooda jannada ii muuqatay ka dhexbaadhayo.

Halkaas marka aad fikirkaaga ku ururiso waxa kuu soo baxaysa sida caqliga falka waxashnimada ah ee 1029(Oktoobar 29) Hargeysa iyo Boosaaso laga fuliyay u shaqaynayo, sida caqligaas loo dhisay ee loo rakibay ayaa kuu iftiimaysa. Waa caqli la khalday oo maqluubka u shaqaynaya.

Bal haddaba caqliyahow waadigaas maato iska muraadsanaysa sii galaaftay ee aakhiro u sii raacay ee sharraxaad ka bixi waxa albaabkii cadaabta ku geeyay ee kii jannada lagaaga soo celiyay. Sheeg dee, u sheeg Eebbe(swt) waadigii saxsanaaye waxa jahannaba laguu geeyay; “Ninkii dhiirri sheegtow is furo, way dhanaantahaye”, Hadraawi.

Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK edleh@hotmail.com

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this