Sign in to follow this  
Deeq A.

Wareysi: Hanti-dhowraha DF oo shaaciyey magacyada 5 xafiis oo musuq loo haysto

Recommended Posts

Deeq A.   
Guutaale.jpeg?fit=2048%2C1404&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Hantidhowraha Guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale ayaa faahfaahin ka bixiyey baaritaanka ay ku wadaan hey’ado ka tirsan dowladda oo musuq maasuq loo heysto iyo waxa ay ku ogaadeen.

Warbixin uu soo saaray xafiiska Hantidhowraha ayaa lagu soo gudbiyey in lacag ka badan 21 milyan oo dollar ay ka maqan tahay khasnadda dowladda.

Guutaale oo wareysigaan siiyey Idaacadda VOA ayaa shaaciyey magacyada hey’adaha ay hadda ku socdaan baaritaanada la xiriira musuq maasuqa iyo kiisas uu xafiiskiisu u gudbiyey xeer ilaalinta guud ee dowladda.

Sidoo kale dowladdu waxay amar xarig ah ku soo rogtay qaar ka mid ah mas’uuliyiintii iyo shaqaalihii hay’adaha ee sida gaarka ah loo baarayey, kuwaas baaritaano culus ay ku socdaan weli.

“Baaritaanka fatashka ah ee xafiiska Hantidhowrku uu sameeyey hadda waxaa gacanta ku haya xafiiska Xeer ilaalinta qaranka, iyadoo dadka iyo hey’adaha la heysto uu eedeynayo xafiiska Hantidhowrka Qaranka,” ayuu yiri Axmed Ciise Guutaale.

Hantidhowraha Guud ee Qaranka ayaa mid mid u sheegay shan ka mid ah xafiisyada ay baaritaanada ku sameeyeen oo ku yaalla garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

1 – Waaxda ruqsadda shaqada ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

2 – Waaxda kordhinta Fiisaha ama dal ku jooga ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda.

3 – Waaxda qabashada daqliga ay xafiisyadaasi sameeyaan ee wasaaradda maaliyadda.

4 – Waaxda hubinta iyo xisaabinta in daqliga xafiisyadaas si sax ah loo qabtay ee xafiiska Xisaabiyaha guud.

5 – Iyo waaxda xareynta daqliga ka yimaada xafiisyadaas oo ka tirsan Bangiga Dhexe ee dowladda.

“Dhamaan xafiisyadaasi waxay ka howlgalaan garoonka Aadan Cadde, waxaana baaritaankaan lagu soo bilaabay bishii Maarso, waxaana la baaray shaqadii xafiisyadaas ee intii u dhaxeysay Marso 2018 ilaa 2023 Abriil,” ayuu yiri Hantidhowraha Guud ee Qaranka.

Hoos ka dhageyso wareysiga Hantidhowraha Qaranka

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2023/06/01000000-0aff-0242-26c5-08db727b91ea_16k.mp3The post Wareysi: Hanti-dhowraha DF oo shaaciyey magacyada 5 xafiis oo musuq loo haysto appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this