Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoonka Labada Aqal Kulan Ka Yeeshay Dardargelinta Howlaha Baarlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargaysa, ayaa ka wada hadlay dardar gelinta howlaha shaqo ee hortebinta u leh Baarlamaanka 11-aad.
Sidoo kale Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, ayaa isla gartay in ay si wadajir ah u wajahaan kalfadhiga saddexaad sharciyada iyo howlaha kale ee muhiimka u ah Qaranka, sida dhammasytirka wax ka bedelka Dastuurka, ka howlgelidda heshiisyadii ay gaareen Madasha Wadatashiga Qaran iyo qodobo kale oo muhiim ahaa.
Kulanka wada-tashiga ah waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeennada Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiya Yaasiin Haaji Samatar, Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow iyo habdhowraha Aqalka Sare, Senator Samsam Ibraahim Cali oo ay wehliyaan xoghayayaasha labada gole ee Baarlamaanka, Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri).
355262276_716546450511964_17045952983069
355262303_716546277178648_58375905233327
355279544_716546377178638_27391873875891
355150506_716546287178647_52142174888698
355302494_716546327178643_99396349418703
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this