Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye ciidan oo loo haysto musuq oo la horgeeyay maxkamadda G/Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho.jpeg?fit=1620%2C1080&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan hoggaanka ilaalada canshuuraha ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta la horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir.

Sarkaalkan ayaa si gaar ah uga howl-gali jiray laanta dhexe ee ilaalinta canshuuraha bariga, wuxuuna ahaa Taliyaha ciidanka ilaalada xafiiska Canshuuraha bariga ee degmada Warta-Nabadda.

Sarkaalkaan ayaa sida uu shaaciyay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu ku eedeysan yahay xatooyo xoolo dadweyne iyo qaadasho laaluush lid ku ah shaqadiisa.

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ayaa maanta horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir Sargaal ka tirsan hoggaanka ilaalinta canshuuraha ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed,” ayaa kagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Xeer Ilaalinta.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa eedeysanahan isla maantaba u gudbisau xabsi ku-meel-gaar ah si loo soo dhameystiro baaritaankiisa loona bilaabo maxkamadayntiisa.

Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kadib markii ay ku qanacday caddaymaha hordhaca ah uu soo bandhigay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayay u gudbisay, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday xafiiska.

Maalmo kahor ayay aheyd markii maxkamadda gobolka Banaadir la horgeeyay saraakiil dowladeed oo loo haysto eedeymo la xiriira musuq-maasuq, kuwaasi oo ay u jartay xabsi ku-meel-gaar ah si loo dhameystiro baaritaankooda, islamarkaana loo bilaabo maxkamadayntooda.

Saraakiishan oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda, gaar ahaan canshuuraha berriga, ayaa lagu soo eedeeyay xatooyo xoolo dadweyne iyo sameynta dokumentiyo dowladeed oo been abuur ah, sida boonooyin lacag qabasho oo lagu qoray xog been abuur ah.

Saraakiishan ayaa ka howl-galayay waaxo kala duwan, huwaasi oo kala ahaa; maamulaha xafiiska canshuuraha berriga ee degmada Warta-Nabadda iyo Kaaliyaha Sare ee khasnajiga xafiiska canshuuraha berriga ee degmada Warta-Nabadda, sida uu shaaciyay Xafiiska Xeer Ilaalinta.

Si kastaba, Arrimahan ayaa qeyb ka ah howl-gallada socda ee lagula dagaalamayo xatooyada xoolaha dadweynaha iyo sameynta waraaqaha been abuurka ee ay wadaan hay’addaha amniga.

The post Taliye ciidan oo loo haysto musuq oo la horgeeyay maxkamadda G/Banaadir appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this