Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo baxsaday kahor qorshe lagu xiri rabay

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabdul.jpeg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa inuu dalka ka baxsaday Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul), kaas oo kamid noqday madax lagu soo eedeyay kiis musuq-maasuq ah.

Cabdul ayaa waxaa haatan baaris ku hayay hay’adaha amniga dowladda, kadib markii ay Xeer Ilaalinyta Qaranka usoo jeedisay eed ku aadan xatooyo xoolo dadweyne.

Kahor inta aan la soo qaban, isla-markaana loo geyn waarankii lagu soo xiri lahaa ayaa la sheegay inuu dalka isaga cararay agaasimuhu, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Agaasime Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) uu Talaadadii shalay ka dhoofay gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, mana cadda halka uu u dhoofay ama dalka uu haatan u baxsaday.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qorshaha uu dalka kaga baxay ninkan ay u fududeeyeen rag qaraabadiisa ah oo ka shaqeeya garoonka, taas oo keentay inuu ka baxsado laamaha amniga, maadaama ay baadi goobayeen, si ay gacanta ugu soo dhigaan, loona soo xiro.

Sidoo kale warka ku saabsan baxsashada Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Jinsiyadda ayaa soo baxay xalay, ayada oo baraha bulshada si weyn loogu faafiyay, maadaama uu ninkan ka mid yahay agaasimeyaasha saameynta leh ee ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya.

Horay waxaa sidaan oo kale Muqdisho uga baxsaday Agaasimaha Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Muxiyadiin Xasan Jurus (Muxiyadiin Saabey), kaas oo gaaray deegaan hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/Dhexe.

Saabey ayaa baxsaday kadib markii uu ka war helay qorashe la sheegay in lagu xirayo, maadaama uu kamid noqday ragga loo soo jeedeeyay inau ku kaceen musuq-maasuqa.

Si kastaba, waxaa haatan dowladda federaalka u xiray saraakiil sare sare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, kuwaas oo ay baaris ku heyso Xeer Ilaalinta.

The post Xog: Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo baxsaday kahor qorshe lagu xiri rabay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this