Sign in to follow this  
Deeq A.

Goobo ay kooxda Al-Shabaab lacag ku urursaneysay oo cagta la mariyay (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   
Ciidamada-ciidanka-1-scaled.jpeg?fit=256

Afmadow (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta howl-gal ballaaran ka fuliyey deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galkaan qorsheysan ayaa waxa uu ka dhacay deegaano u dhaxeeya Janaay Cabdalle iyo degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Ciidamada huwanta ayaa waxay si gaar ah uga fuliyeen howl-galkaan tuulooyinka kala ah; Harboole, Miido iyo Biibi, iyada oo kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyey khasaaro xoog leh, sida ay sheegtay dowladda federaalka.

Bayaan kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka ayaa waxaa lagu shaaciyay in ciidamada ay cagta mariyeen goobo ay dadka ku dhacayeen kooxda Al-Sabaab.

Goobahaasi ayay sheegtay in kooxda ay ku qaadanayeen lacago baad ah, islamarkaana ay ciidamada is garabsanayey ay suurta-galiyeen inay fasaxaan dad safar ahaa oo Al-Shabaab haystay, kuwaas oo safarkoodii sii watay.

Xalay ayay aheyd markii ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee DANAB ay howl-gal qorsheysan ka fuliyeen deegaan ka tirsan isla gobolkaasi Jubbada Hoose.

Howl-galkaas ayay ciidanka DANAB ku beegsadeen goob ay gabaad ka dhiganayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaasi oo dhaca duleedka tuullo lagu magacaabo Yaaq-dabayl oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee DANAB ahaa howl-galkaas qorsheysan ku dilay ugu yaraan 13 dhagarqabe oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale ciidanka waxay howl-galkaas kooxda Al-Shabaab uga soo furteen hub culus, sida uu warbaahinta qaranka u xaqiijiyay taliyaha guutada 16-aad ee ciidanka Danab G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka, kadib muddo bil ah oo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda qaadin wax howl-gal ah oo ka dhan ah kooxda.

The post Goobo ay kooxda Al-Shabaab lacag ku urursaneysay oo cagta la mariyay (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this