Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Maxaa keenay in la furo dastuurka PUNTLAND?

Recommended Posts

Deeq A.   
355298121_571649058479380_15776520206113

Garoowe (Caasimada Online) – Xiisadda dagaal ee ka taagan Garoowe oo ugu dambeyn dagaal isku rogtay ayaa keentay inuu dhiig badan ku daato magaaladaasi, kadib markii ay shalay ku diriireen ciidamada mucaaradka iyo kuwa ammaanka ee maamulka Puntland.

Dagaalkan ayaa ka dhashay doodda la dhalatay furista dastuurka Puntland oo ay Talaadadii shalay ansixiyeen xubnaha baarlamaanka ee maamulkaasi.

Haddaba Maxaa keenay in furo Dastuurka Puntland?

Falanqeeye siyaasadeed oo u warramay Somali Cable Tv ayaa ka hadlay arrinta Puntland, isaga oo shaaciyay in aan la fileyn dagaalkii shalay ka dhacay Garoowe.

“Xaqiiqdii waxaa dhacay dagaal aan la fileyn markii hore waxay aheyd isku goodin, laakiin farasaar ayaa hadda dhacay oo gacan ka hadal ayay gaartay” ayuu yiri falanqeeyuhu.

Sidoo kale siyaasigan dhalinyarada ah ayaa ka hadlay waxa keenay in la furo dastuurka Puntland, wuxuuna shaaciyay in sababta ay tahay in laga guuray nidaamkii hore ee qabaa’ilka, loona guuray nidaam qof iyo cod ah oo dadweynuhu ay wax soo dooranayaan.

“Furitaanka dastuurka waxaa keenay markii nidaamkii hore ee qabaliga ahaa laga tegay oo loo guuray nidaam qof iyo cod wax loo yaqaano oo axsaab loo codeeyay” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu intaasi raaciyay “Dastuurka waxa uu qabaa qodobkiisa 46-aad lambarka saddex in xisbiyada ay noqonayaan saddex xisbi, laakiin hadda 5 xisbi ayaa loo guuray taas ayaa keentay inay sababto in dastuurka la furo”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xubnaha mucaaradka ay dhankooda shaki weyn ka muujinayaan hubanti la’aanta doorashada, si aysan u dhaafin sideeda bisha january.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo weli xaalad kacsanaan ah laga dareemyo magaalada Garoowe, inkastoo haatan ay billowdeen dadaallo dhex-dhexaadin ah.

The post Daawo: Maxaa keenay in la furo dastuurka PUNTLAND? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this