Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Weerar ku billowday qaraxyo oo lagu qaaday Baardheere

Recommended Posts

Deeq A.   
DEG-DEG.png?fit=1000%2C522&ssl=1

Baardheere (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah aya ka soo baxaya weerar ku billowday qaraxyo xoogan oo ay goordhow kooxda Al-Shabaab ku qaaday gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa la sheegay in loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, sida ay innoo xaqiijiyaan saraakiil ka tirsan laamaha amniga.

Weerarkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu beegsadya xerada ADC ee degmada Baardheere, halkaas oo ay sidoo kale gudaha u galeen rag hubeysan.

Dagaalka foolka fool ah oo u dhexeeyai ciidamada dowladda iyo ragga weerarka qaaday ayaa haatan ka socda gudaha degmada, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Xerada la weeraray ayaa waxaa tababar lagu siinayay ciidamo gaar ah oo loo diyaarinayay xoreynta deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u cakiran, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan qaraxyada ku billowday oo ay mas’uuliyaddiisu sheegatay Shabaab.

Wixii soo kordha kala soco: Caasimada.net

The post DEG DEG: Weerar ku billowday qaraxyo oo lagu qaaday Baardheere appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this