Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu madaxweyne Farmaajo ka yiri dagaalka Garoowe?

Recommended Posts

Deeq A.   
Farmaajo-4.jpg?fit=1853%2C1440&ssl=1

Istanbul (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka soo hadlay xiisadda ka taagan magaalada Garowe, isagoo nasiib darro ku tilmaamay dagaalka ka dhacay magaaladaas.

Farmaajo ayaa sheegay in arrimaha sababay dagaalka ka dhacay Garoowe wadahadal lagu dhamey karay, balse weli uu rajo ka qabo in la isugu yimaado miiska wadahadalka.

“Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxay astaan u tahay nabadda iyo amniga, sidaas awgeed waxaa nasiib darro ah dagaalka maanta ka dhacay ee salka ku haya arrimo lagu dhammeyn karo isfahan iyo wada-xaajood,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale madaxweynihii hore ayaa qoraalkaan ku muujiyey inuu kalsooni badan ku qabo in dadka reer Puntland ay iska xali doonaan tabashooyinka sababay gacan ka hadalkaan.

“Waxaan ku kalsoonahay garashada iyo aqoonta dadka Puntland, oo aan ka rajaynayo in ay si deg-deg ah ugu istaagaan daminta dhawaaqa rasaasta, soo celinta amniga iyo adkeynta dowladnimada,” ayuu Farmaajo ku yiri qoraalkiisa.

Ugu dambeyntii Farmaajo wuxuu u tacsiyeeyey dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay dagaalka Garowe.

“Alle waxaan naxariistiisa u weydiinayaa dadkeenna birmo-geydada ah ee ku geeriyooday dagaalka maanta, aniga oo caafimaad degdeg ah u rajaynaya intii ay waxyeelladu ka soo gaartay,” ayuu yiri Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo qoraalkaan ka soo saaray dagaalkii Garowe.

In ka badan 20 qof ayaa ku geeriyootay dagaalka Garowe, halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen, dadka dhintay ayaa isugu jira askar iyo shacab.

Dagaalkaan ayaa ka bilowday muddo kororsi uu qorsheynayo Saciid Deni, kaas oo xildhibaanada baarlamaanka Puntland ay u codeeyeen in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka, waxaana ka soo hor keestay mucaaradka oo soo abaabulay dagaalkaas.

The post Muxuu madaxweyne Farmaajo ka yiri dagaalka Garoowe? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this