Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: R/W Xamsa Barre oo war ka soo saaray dagaalka Garoowe, soona jeediyey…

Recommended Posts

Deeq A.   
Xamza-2.jpeg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan magaalada Garowe oo maanta uu ka dhacay dagaal culus oo salka ku haya muranka doorashada dastuuriga ah ee maamulkaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn tacsi u diray qoysaska iyo ehelka dadkii ku geeriyooday iskudhacyadii maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, isaga oo sheegay in loo baahan yahay wax kasta oo la isku hayo lagu xalliyo jidka wadahadalka iyo is fahamka.

“Waxaan ku baaqayaa in wax kasta laga wadahadlo, waxaan hubaa in jidkaas uu ka natiijo fiican yahay gacan ka hadalka, Soomaali xiiso uma qabto xabad la isku rido,” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha XFS.

Wuxuu carrabka ku sii adkeeyey in Puntland ay ku asteysan tahay nabadda Soomaaliya, balse dagaalka maanta uu bixinayo macne aan qurxooneyn.

Xamse Cabdi Barre wuxuu dhinacyada is haya kula dardaarmay inay ilaaliyaan dhaqanka kala dambeynta ee Puntland ka soo jiray sanadaha badan.

“Isimada, dhaqanka iyo ururrada bulshada ee deegaanada Puntland waxaan ugu baaqayaa in sidii lagu yaqiinaba ay ku baxaan dagaalka oo nabad ka dhaliyaan Puntland, miiska wadahadalkana ay isugu geeyaan dhinacyada is haya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale Xamse Cabdi Barre ayaa umadda reer Puntland Alle uga baryaa inay nabad ku ciidaan, isagoo Puntland ku amaanay soo yaalkeeda wanaagsan.

“Jiritaanka Puntland waa nabadda Soomaaliya, Puntland wa astaanta dowladnimada dalkaan, wadajirka iyo xoojinta jiritaanka Puntland waa aas-aaska dhismaha Soomaaliya, waxaan codsanayaa in la soo afjaro wax kasta oo khilaaf ah,” ayuu yiri R/Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Hoos ka daawo

The post Daawo: R/W Xamsa Barre oo war ka soo saaray dagaalka Garoowe, soona jeediyey… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this