Sign in to follow this  
Deeq A.

FAL-CELIN xooggan oo ka dhalatay xil ka qaadista Gen. Odowaa Yuusuf Raage

Recommended Posts

Deeq A.   
Odowaa-scaled.jpeg?fit=2560%2C1707&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay xilka ka qaaday taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneral Odowaa Yuusuf Raage, ayada oo la magacaabay taliye cusub.

Waxaa xilka Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka loo magacaabay Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, oo horey usoo noqday madaxii hab maamuuska madaxtooyada iyo ilaalada Madaxtooyada Koofiya Casta madaxtooyada muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri “Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.”

Ma cadda sababta xilka looga qaaday Odowaa oo taliyaha ciidanka xoogga dalka soo ahaa tan iyo 2019.

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda muddo bil ah qaadin wax howl-gal ah oo ka dhan ah kooxda.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay xilka ka qaadista Odowaa iyo magacaabista Taliyaha cusub?

Sayid Cumar Sadiiq Caddow: “Micnaha macalinkii wajigii koowaad ee dagaalka hogaamiyay waa la cuney waxa ay ka macno tahay meeshaas ciyaarta halagu joojiyo oo yaan howl kale nala galin.”

Cabdifitaax Xasan Cumar ayaa isna waxa uu yiri “Hanbalyo taliyaha cusub waa tallaabo dhanka guusha loo qaaday.”

“Mar hore ayey ahayd ujeedadu maahan aragti siyaasadeed balse Odowaa, waa wiil yar oo aan qibrad lahayn waxaana ka muuqda fikir aan ka imaan maskaxdiisa inuu ku shaqeeyo, sidaa darteed bal aan kan cusub siduu yahay eegno ninkii malin Farmaajo kab ku tura waa in jago loo magacaaba,” ayuu yiri Carab oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan.

Maxamed Amiin ayaa isna yiri “Baladkaan nabad-ba looma rabo wallee.”

Bukhaari Muxiyadiin: “Innaalilaah Soomaaliya godkeeday haday biyo dhigatay. General Odowaa 30 jir mintid ah oo dawlad yaqaan ah saacaan wadanku argagixisada faraha kulul kuhayso miyaa xilkii laga xayuubiyey.”

Mukhtaar Adan: “Soo dhawoow taliye kun iyo kow jeer hanbalyo.”

“Cajiib wali cuqdadii nabad iyo nolol baa idin haysa,” ayuu yiri Idiris Axmed Cali.

Indhacade oo isaguna kamid ah dadka ka fal-celiyay magacaabista taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka iyo xil ka qaadista Jeneraal Odowaa ayaa yiri “Odowaa wallaahi geesi qaran ayuu ahaa waa ka xumahay wallaahi waxa ku dhacay.”

Bashiir Xasan ayaa isna yiri “Kan (taliyaha cusub) mid lagu farxaayo uma eeka bal aan sugno.”

Si kastaba, Xil ka qaadista Odowaa ayaa imaneysa maalin kadib markii sidoo kale xilka laga qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Cusmaan Jeyte, oo isna hormuud u ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

The post FAL-CELIN xooggan oo ka dhalatay xil ka qaadista Gen. Odowaa Yuusuf Raage appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this