Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Muxiyadiin Saabey oo baxsaday kahor qorshe ay kusoo xiri rabto dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   
syao-tiyao_14.jpeg?fit=640%2C427&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Muxiyadiin Xasan Jurus (Muxiyadiin Saabey) ayaa gaaray deegaan hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Muxiyadiin Saabey oo hadda ku sugan tuullada Guulane oo hoostagta Aadan Yabaal, ayaa waxa uu baxsad ka yahay dowladda federaalka Soomaaliya, oo dooneysa in lasoo xiro.

Muxiyadiin ayaa habeen hore xilli dambe ka baxsaday kadib markii uu ka war helay qorashe la sheegay in lagu xirayo, xilli ay xiran yihiin saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Muxiyadiin Saabey uu tuullada Guulane oo uu kasoo jeedo ku abaabulayo maleeshiyo, ayna halkaasi ku ilaalinayaan maleeshiyo ay isku heyb yihiin.

Qorshaha lagu xirayo Saabey ayaa la sheegay inuu horudhac u yahay mas’uuliyiin sare oo dowladda ay dooneyso in la xiro. Sababta isaga loogu billaabayo ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay isku beel yihiin, uu ka cabsanayo in haddii uu xiro saraakiil kale oo sare oo beelo kale kasoo jeedo loo arko arrinta mid qabyaaladeed, sidaas darteedna uu go’aansaday in laga billaabo Saabey.

Waa mas’uulkii ugu sareeyay ee ka baxsada xukuumadda federaalka, xilli uu sii xoogeysanayo olole baaritaan oo uu wado Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, kaasi oo ku saabsan musuq-maasuqa ka dhex jira hay’adaha dowladda oo ilaa hadda loo xiray mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Shalay ayay aheyd markii Maxkamadda gobolka Banaadir la horgeeyay saraakiil dowladeed oo loo haysto eedeymo la xiriira musuq-maasuq, kuwaasi oo ay u jartay xabsi ku-meel-gaar ah si loo dhameystiro baaritaankooda, islamarkaana loo bilaabo maxkamadayntooda.

Saraakiishan oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda, gaar ahaan canshuuraha berriga, ayaa lagu soo eedeeyay xatooyo xoolo dadweyne iyo sameynta dokumentiyo dowladeed oo been abuur ah, sida boonooyin lacag qabasho oo lagu qoray xog been abuur ah.

Saraakiishan ayaa ka howl-galayay waaxo kala duwan, huwaasi oo kala ahaa; maamulaha xafiiska canshuuraha berriga ee degmada Warta-Nabadda iyo Kaaliyaha Sare ee khasnajiga xafiiska canshuuraha berriga ee degmada Warta-Nabadda, sida uu shaaciyay Xafiiska Xeer Ilaalinta.

The post Xog: Muxiyadiin Saabey oo baxsaday kahor qorshe ay kusoo xiri rabto dowladda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this