Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Maamulka Puntland oo ansixiyey wax ka badelka Dastuurka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa ansixiyey wax ka badelka Dastuurka Puntland, Kalfadhigii maanta ayey xubnuhu ku ogalaadeen in wax laga baddelo Dastuurka.

Wax ka badelka Dastuurka Puntland  ayaa dhaliyey xiisad siyaasadeed oo culus taas oo sababtay in maanta Garoowe uu ka dhaco iska hor imaad khasaare sababay kadib markii ay isku dhaceen Ciidanka Xukuumadda Deni iyo kuwa taabacsan Siyaasiyiinta Mucaraadka ee kasoo horjeeda furista Dastuurka.

Xiisadda Gacan ka hadalka isku badeshay ee ka taagan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa soo jiitamaysay muddooyinkii lasoo dhaafay taas oo sababtay in inaysan Doorashadii Qof iyo Cod ee deegaanada Maamulka Puntland ka qabsoomin Sadex Degmo oo Gobolka Nugaal ah oo ay ku jirto Caasimadda Garoowe.

Mucaraadka Puntland ayaa aaminsan in haddii la furo Dastuurka Madaxweyne Deni ku darsanayo muddo xileedka uu sii joogayo Kursiga looga arrimiyo Maamulka, balse Deni ma shaacin damaca Mucaaradku ku eedeynayaan ee Muddo korodhsiga xilka.

Xiisadda ayaa maanta ayaa kasoo daraysay muddooyinkan kadib markii ay guuldareysteen dedaallo ay wadeen Isimadda Dhaqanka, Siyaasiyiin Federaalka ah iyo Guddiyo loo magacaabay xalinta Xiisadda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this