Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg Deg Dagaal Xooggan oo Ka Qarxay Magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegayo in dagaal xooggan oo u dhaexeeya ciidamo iska soo horjeedo uu ka qarxay halkaasi, waxaana kasoo baxay warar kale  duwan.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo kuwa taabacsan mucaaradka, waxaana dagaalka uu dhacay kadib markii golaha Wakiillada ay ku dhawaaqeen in laga doodo dastuurka, waxaana xigay dagaal u dhaxeeya labada dhinac.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa magaalada Garoowe ka taagnaa khilaaf u dhaxeeyay maamulka Puntland iyo xoogagga mucaaradka ah, taas oo ka dhalatay, kadib markii xukuumaddu ku dhawaaqday in la furayo dastuurka Puntland.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this