Sign in to follow this  
Deeq A.

Dallada PUNSAA oo baaq ka soo saartay xiisadda ka taagan magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Dallada Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland PUNSAA ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay muuqaallada dhaawacaya sharafta, dawladnimada iyo Midnimada Puntland ee kasoo muuqanaya magaalada Garoowe iyo dhiillada ay magaaladu ku waabariisatay.

PUNSAA waxay ugu baaqday Waxgaradka, Goloaha dhaqanka iyo dhamaan shacbi weynaha Puntland inay iska kaashadaan doorinta xaaladda nabad galyo darrada ah ee ka aloosan caasimada Puntland ee Garoowe.

“Waxaan marnaba la aqbali karin in khilaafka siyaasiga ah lagu xalliyo qori caaradiis. PUNSAA waxay ku baaqaysaa in lagu xalliyo khilaafka wadahal iyo isafgarad iyadoo loo turayo bulshada rayidka ah lana dhowrayo midnimada iyo wadajirka dadka reer Puntland” ayaa lagu yiri Qoraalka PUNSAA.

Sidoo kale, Bulshada rayidka ah waxay ka digtay in Hay’adaha Dowladda, kuwa aan Dowliga aheyn iyo xarumaha ganacsiga ah ay si nabad galyo ah u gudan-waayaan waajibaadkooda ayna adkaato isu socodka iyo nolosho dadweynaha waxaana ay dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan ugu baaqday in ay ka qayb qaataan xal u helida khilaafka siyaasiga ah iyo Amniba.

PUNTLAND POST

The post Dallada PUNSAA oo baaq ka soo saartay xiisadda ka taagan magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this