Sign in to follow this  
Deeq A.

Senetaro ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya oo waan-waan kaga jira xiisadda Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
2023620638228232107214586.jpg?resize=660

Senetaro ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo laga soo doorto Puntland ayaa waan-waan ka wada xiisadda ka aloosan magaalada Garoowe.

Senetarada aqalka sare ee ku sugan Garoowe ayaa wada dadaal lagu xallinayo khilaafka u dhexeeya dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah, si loo dejiyo xiisadda.

Labada dhinac ee dowladda iyo mucaaradka ayaa ku murasan arrimo ay kamid yihiin furista dastuurka, taas oo sababtay xiisadda ka taagan magaalada Garoowe.

Ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah oo diiddan furista dastuurka Puntland ayaa dhaq dhaqaaqyo kala duwan ka samaynaya xaafado ka tirsan Garoowe.

Ciidamada gadoodsan ayaa xalay xirtay isgoyska Global ee laamiga bartamaha oo u dhow xarunta Baarlamanka Puntland, halkaas oo ay weli ku sugan yihiin.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale jooga xarunta golaha wakiilada iyo nawaaxigeeda waxaana wararku sheegayaan in labada ciidan ay isu muuqdaan.

Qaar kamid ah dadka rayidka ah ayaa ka baxay xaafadaha u dhow xarunta Baarlamanka, kadib markii ay soo foodsaartay cabsi amni.

Xiisadda ayaa imaanaysa, iyadoo la filayo in dhawaan xildhibaannada Baarlamanka ay cod u qaadaan soojeedin la xiriirta furista dastuurka oo ay soo gudbisay xukuumadda.

PUNTLAND POST

The post Senetaro ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya oo waan-waan kaga jira xiisadda Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this