Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad ka aloosan maamulka Puntland iyo Ciidamo hubaysan oo la wareegay qaybo ka mida magaalada Garoowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xiisad ayaa ka taagan magaalada Garoowe ee xarunta dawlad goboleedka Puntland, ka dib markii ciidamo ka amar qaata siyaasiyiinta mucaaradka oo ka soo horjeeda xukuumadda madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ay xalay fiidkii fadhiisimo ka samaysteen badhtamaha magaalada iyo weliba inta badan wadooyinka taga xarunta golaha baarlamaanka ee Puntland.

Ciidamadan hubaysan ayaa joojiyey isu-socodka gaadiidka iyo dadka ee goobaha ay fadhiisimada ka samaysteen.

Arrintan ayaa kor u qaaday walaaca amni ee laga qabo, isku dhac dhex mara ciidamadan ka amar qaadanaya siyaasiyiinta mucaaradka, iyo weliba ciidamada dawladda ee weli ku sugan aagga xarunta baarlamaanka.

Ciidamadan hubaysan ayaa ka soo horjeeda in baarlamaanku uu furo dastuurka Puntland, taas oo la filayo in golaha baarlamaanku uu guda galo dooddiisa maalmaha soo socda, haddii la isku raacona, wax ka bedel lagu sameeyo qodobka khusaynaya kordhinta tirada xisbiyada ay yeelanayso Puntland.

Illaa hadda xukuumaddu kama hadal, dhacdadan amni ee ku soo korodhay magaalada Garoowe, taas oo si weyn loo hadal hayey 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this