Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad Ka Taagan Garoowe iyo Badan oo Lagu Arkayo Gudaha Magaalada

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay  siweyn looga dareemayay dhaqdaqaaqa ciidamo iska soo horjeeda oo wata gaadiidka dagaalka, kuwaas oo lagu arkayo qaar kamid ah wadooyinka magaalada iyo bannaankeeda.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamadaan gudaha usoo galay magaalada ay diiddan yihiin in baarlamaanka maamulkaas uu furo dastuurka, taas oo laga cabsi qabo inay horseedi karto muddo-xileedka dowladda loo  kordhiyo,taasna waxaa ay dhalisay khilaaf xooggan.

Xaafadaha qaar waxaa lagu soo warramayaa in dadku ay isaga baxeen, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ciidan dhaqdhaqaaqa samaynaya ay yihiin kuwa ka amarqaata madaxtooyada iyo kuwa kasoo horjeeda oo dhanka mucaaradka ah oo diidan waxyaabaha la isku hayo.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this